Somaliland: Jamaal Cali Xuseen Oo Qirtay Inu Ka Tanaasulay Hankiisi Madaxweyne Wada-hadalna La Bilaabay Waddani Iyo Kulmiye

Musharax Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Ayaa sheegay inu Garabkiiso wada hadal la bilaabay labada Xisbi Ee Waddani Iyo Kulmiye Sheegayna Inu Ka Tanaasulay Hankiisi Dhawaana Xisbi Ku Biiri Doonan Isaga OO Soo Dhigay Qoraal Kooban Barta Facebooga Oo Ku Layhay Ayaa waxa Oo Yidhi Sida Tan:

ASCWW dhamaantiin Jimce Mubaarak. Marka hore salaan guud.Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan taageerayaashii Xisbigga UCID ee garabkayaga ahaa (NEW UCID) ee jeclaana inuu xisbiggani guuleysto, in aanay jirin weli xisbi aanu ku biirnay. Waxaa jiray wada hadalo hordhac ah oo aanu la yeelanay hogaamiyayaasha labadda Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani. Waxaanu inshallah dhowaan bilaabi doonaa in aanu magacowno guddi 5 qof ka kooban oo wadahadalo toos ah la geli doona labadda xisbiba. Wadahadalaasi natiijadda ka soo baxda ayeeynu ku go’aan qaadan doonaa dhamaanteen. Wadatashi faro badan waynu ka geli doonaa sidii aynu cududeena u midayn lahayn. Iyaddoo taasi jirto haddana waxaynu mar walba mudnaanta siinaynaa midnimadda iyo wadajirka Somaliland. Ilaahay qarankan Somaliland haw gargaaro; xaqana haw hiiliyo. Kuligiina isku duubnaadda si aynu cududeena oo midaysan uga wada tashano aayaheena. Waxaanu taageerayaasha uga mahad naqaynaa hiilkii iyo hooddii aad nala garab taagneeydeen. Wa Bilaahi taqfiiq.

Comments

comments

SHARE