Eden Hazard Oo Shuruud Ku Xidhay Hadii Uu Mustaqbalka Chelsea Ka Baxi Doono Iyo Xidiga Ree Belgium Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Dhibtii Xili Ciyaareedkii Hore Soo Martay

220

Eden Hazard ayaa maanta ku guulaystay abaal marinta xidigii Premier Leaque-ga ugu fiicnaa bishii October wuxuuna waraysi uu siiyay The Guardian uu ku sheegay dhibaatadii xili ciyaareedkii hore soo martay. Hazard ayaa shuruud ku xidhay haddii uu Chelsea mustaqbalka ka bixi doono wuxuuna cadeeyay in ilaa uu koobka kale oo Premier Leaque-ga ah uu kula guulaysto Blues aanu ka bixi doonin Stamford Bridge.

Hazard ayaa sidoo kale ka hadlay sababtii uu xagaagii dhawaa uga bixi waayay kooxdiisa kadib xili ciyaareed musiibo ahaa oo ay kooxdiisa Blues soo qaaadatay xili ciyaareedkii hore ee 2015/16. Hazard ayaa sheegay in uu go’aansaday in isaga oo qaab ciyaareed liita ku jiray aanu ka bixin kooxdiisa isla markaana haddii uu mustaqbalka ka tagayo uu bixi doono waqti uu heer fiican ku jiro si loo xusuusto.

Hazard oo ka hadlaya in uu xili ciyaareedkan boqolkiiba boqol taam yahay oo aanu xanuun ku ciyaarayn ayaa yidhi: “Anigu waxaan ku ciyaarayaa xanuun la’aan. Sanadkii hore waxa uu ahaa mid aad u adag, dadka qaarna may rumaysan. Laakiin waxaan waqti dheer ku ciyaarayay dhaawac. Marnaba boqolkiiba boqol taam maan noqon, marka aanad si buuxda taam u ahayn wax adag ayay kugu noqonaysaa in aad ku ciyaarto qaabkaaga ugu fiican” ayuu Hazard sheegay isaga oo tixraacayay dhaawicii feedhaha ka soo gaadhay.

Hazard oo ka sii hadlaya in aanu goolal badan dhalin balse uu xili ciyaareedkan Conte isaga u arkay in uu yahay gool dhaliye ayaa yidhi:“Maan dhalin goolal badan, laakiin Conte waxa uu aniga ii arkay gool dhaliye. Waxa uu aniga igala hadlay shaxdiisa uu doorbidayo ee 3-4-3 ama xataa laba weerar ah. Samirkiisa iyo xamaasadiisa shaqadani waxay ahayd mid iska cad”.

Intaa kadib Hazard ayaa ka hadlay sababtii uu xagaagii dhawaa uga bixi waayay Chelsea wuxuuna yidhi: “Waxaan si cad u sheegay in aanan doonayn in aan baxo kadib sanad aad u liitay. Anigu ma doonayo in aan sidaa oo kale ku baxo. Haddii aan waligay baxayo, waxay noqon doontaa kadib marka aan ku guulaysto horyaalka. Waxaad u baahan tahay in aad baxdo adiga oo sareeya, sidaa daradeed waxay dadku kugu xusuusan doonaan sababta saxda ah”.

Comments

comments

SHARE