Somaliland: Xoghayaha KULMIYE: ‘Murrashaxiintayadu Isma Khilaafsana’

161

Xoghayaha guud ee xisbiga ee KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayay in khilaaf soo kala dhex galay, Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, isla markaana ah murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenka xisbul xaakimka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kaas oo maalmihii la soo dhaafay lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah.

“Arrintaa la faafiyay ee ah in khilaaf ka dhex jiro madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxba kama jiraan waana arrin been ah oo warbaahinta lagu faafiyay oo si qayrul masuulnimo ah u baxday,guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waa murrashaxii madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, madaxweyne ku-xigeenkuna waa murrashaxiisii madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga, markii uu dhaawac may madaxweyne ku xigeenku toos ayaa gurigiisa lagula shaqaynayay guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiguna isagoo sariirta jiifa ayaa shirka lagula galayay, markii la dhoofinayayna saddexdii habeenimo ninkii gaadhiga ku qaaday ee diyaarada saaray wuxuu ahaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,”.ayuuyidhi Xoghayaha guud ee xisbul-xaakimka, Xasan Siciid Yuusuf oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa.

Xoghayuhu waxa uu ka gaabsaday mar wax laga weydiiyay sida uu u arko tallaabada xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ay Isniintii xilalkii iyo xubimadii xisbiga kaga qaadeen Guddoomiye ku-xigeenkoodii koowaad Axmed Muumin Seed iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii labaad Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle,waxaanu yidhi, “Xisbiga KULMIYE siyaasadiisa iyo barnaamijkiisu waxa uu ku salaysan yahay in aanu faro gelin arrimaha daakhiliga ah ee axsaabta kale, arrintaasi waa mid u taalla xisbiga WADDANI,laakiin waxa aanu jecel nahay inay arrimahooda dhammaystaan oo ay noqdaan xisbi mucaarid ah oo awood leh oo nala tartama.”

Mr. Xasan Siciid, waxa kaloo uu sheegay in ka xisbi ahaan ka qayb qaadanayaan gurmadka loogu jiro abaaraha ka jira goballada bari ee dalka.isla markaana abaaraha dartood ay joojiyeen xafladihii ay u qaban jireen taageereyaasha ku soo biiraya xisbiga KULMIYE.
“Xisbiga KULMIYE isaga oo ka duulaya abaaraha ka jira goballada bariga dalka, waxa uu joojiyay xafladihii uu u qaban jiray ciddii ku soo biiraysa, waayo xafladda saddexda kun ee doolar ee k u baxaya, waxa ay quudinaysaa kun qoys oo abaaruhu waxyeeleeyeen.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxa uu jeebkiisa ka bixiyay 40 kun oo doolar, saddex boqol oo booyadood oo biyo ahna waa la diray, qurbo-jooga xisbiga iyo taageereyaasha xisbiguna waxay ururiyeen lacag lagu wareejiyay guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha. gudo iyo dibadna gurmad ayaa xisbiga KULMIYE ku jiraa in dadkaa abaaruhu sameeyeen loo gurmado,”ayuu hadalkiisii ku soo xidhay Xoghayaha Guud ee KULMIYE.

Comments

comments