Somaliland: Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE La Bilaabay Wada-hadallo Ay Ku Kala Dooranayaan, Diyaarinayana Dacwad Ay Ku Oogayaan Faysal.

Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE La Bilaabay Wada-hadallo Ay Ku Kala Dooranayaan, Diyaarinayana Dacwad Ay Ku Oogayaan Faysal.

Garabka Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa markii ugu horeysay Caddeeyay inay Wada-hadallo kula jiraan Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI.

Wada-hadalladan oo nuxurkoodu yahay sidii Garabka Jamaal Cali Xuseen uga mid noqon lahaayeen WADDANI iyo KULMIYE kooda ay is-afgartaan, ayaa waxa Caddeeyay Xasan Cismaan Sabce oo ka mid ah Garabka Jamaal Cali Xuseen ee dhawaan Heshiiskii ay la galeen Faysal Cali Waraabe lagu laalay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga UCID uu Hargeysa ku yeeshay Tobankii bishan Noofambar.

 

Mr. Xasan Cismaan Sabce oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan Iftiimiyo Wararka sheegaya in Garabkii Jamaal ee Xisbiga UCID ay Wada-hadallo u socdaan Labada Xisbi, ee ka Mucaaradka ah iyo ka Muxaafidka ah, wax jira weeyaan, laakiin labada Xisbi oo keliya maaha ee Qabaa’ilkana waanu la hadlaynay, Gudahayaga ayaa wada-hadlaynay.

Labada Xisbi (WADDANI iyo KULMIYE) Wada-hadallo ayaa noo bilaabmay, laakiin wax Go’aan ah ama meel aanu isla gaadhnay ma jiraan.”

Masuulkan ka tirsann Garabka Jamaal wuxuu farriin u diray Taageerayaashooda, “Waxaan Dadweynaha u sheegayaa in Wada-hadalladu bilaabmeen, dhammaadna way yeelan doonaan, ee inaan intaa ka horeysa waxba laga shakiyin, oo laga war-sugo Cidda guddida ah ee Cid walba la hadlaysaa waxay soo gooyaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay wadaan Dacwad ay ku oogayaan Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, “Dacwaddii aanu Faysal ku wadnay weli way noo taagan tahay, waxaana wada oo isku hagaajinaya Looyarradayadii.”

Jamaal Cali Xuseen ayaa Sannadkii 2012-kii waxa uu heshiis ku meel-gaadh ahaa la galay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, heshiiskaas oo Jamaal loogu caleemo-saaray Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, sidoo kalena waxa Xisbiga Xilal kala duwan looga Magacaabay Xubno la socday oo wakhtigaa ka soo digo-rogtay Xisbigii burburay ee UDUB, laakiin khilaaf muddo dheer soo jiitamay oo u dhexeeyay Jamaal iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa keenay in Maxkamadda Sare soo saarto Go’aan ah in Garabka Jamaal iyo Garabka Faysal ee Xisbiga UCID si wada jir ah u qabtaan Shir-weyne aan caadi ahayn oo lagu ansixiyo Heshiiskii Garabka Jamaal la gelay UCID, laakiin qabashadii Shirka oo la isku qabsaday awgeed, ayaa mid walba dhankiisa uu u qabtay Shir gaar ah.

Maaddaama oo Go’aankii Maxkamadda Sare uu qodobbadiisa ka mid ahaa in mar walba Go’aanka kama dambeysta ah uu leeyahay Hoggaanka Xisbiga UCID waxa Guddida Diwaangelinta ururrrada Siyaasadda iyo Xukuumadduba aqoonsadeen in Shirkii uu qabtay Garabkii Faysal Cali Waraabe uu sharci yahay.

Shir-weynaha uu Garabka Faysal qabtay ayaa waxa lagu laalay Heshiiskii Garabka Jamaal uu kula midoobay UCID-da uu Faysal hoggaamiyo, Go’aanka Shirkaasina wuxuu meesha ka saaray in Garabka Jamaal ka mid yahay UCID, taasina waxay Jamaal iyo Xubnihii la socday oo uu Mujaahid Cali-gurey ka maqan yahay ku riixday inay wada-hadallo la bilaabaan Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE si ay ugu biiraan kooda ay is-af-gartaan.

Intii uu khilaafka Jamaal iyo Faysal socday, waxyaabaha uu Jamaal ku doodayey waxa ka mid ahaa inuu Maal iyo Maskaxba geliyey siduu Xisbiga UCID aanu Saaxadda uga baxeen ee uu kaalintiisa Xisbinimo u sii haysan lahaa xilligii lagu jiray tartanka Ololaha Ururrada Siyaasadda, taasi oo oo Dad badan oo Faysal Cali Waraabe ka mid yahay uga Markhaati kaceen.

Comments

comments

SHARE