Somaliland: Guddoomiyaha UCID Oo Dagaalka Siyaasadeed Ee Ka Dhexeeya WADDANI Ku Fasiray Mid Salka Ku Haya Cod Uu Ka Waayay Beesha Cirro Doorashooyinkii Hore

WADDANI baa samaystay Xisaab ah in Faysal laga takhaluso, oo Ciidagale iyo Habar Yoonis noqdaan Gar-xajis…Habar Yoonista imika Gar-xajis ku hadaaqeysaa sow kuwii Codka i siin waayay….” Faysal Cali Waraabe Oo Safar ku jooga Jarmalka

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Faysal Cali Waraabe, isla-markaana garabkiisu dhawaan u doortay Musharrrax Madaxweyne, ayaa eedaymo u soo jeediyay Xisbiga WADDANI iyo Beesha uu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Faysal Cali Waraabe oo Safar ku tagay Dalka Jarmalka, ayaa Warbaahintu waydiisay loolanka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada Qaranka ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE, waxaanu ku dooday in Khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Jamaal Cali Xuseen uu ka qayb-qaatay Xisbiga WADDANI oo uu ku eedeeyay inuu doonayo inuu Siyaasad ahaan ka takhaluso.

Guddoomiyaha UCID oo ugu horeyn ka hadlaya xidhiidhka uu la leeyahay Siyaasiyiinta Soomaaliya iyo kuwa Adduunka kale, ayaa yidhi, “Aniga Jibbo Qabiil uma hayso oo ma ihi Nin Hargeysa ku xidhan, ee waxaan ahay Nin Siyaasi ah, markaa Cay maaha wuxuu la kulmay Niman Soomaaliyeed, waayo? Waxaan la kulmay Shariif Xasan, Xasan Sheekh baanu la kulanaa, Foosiya ayaanu la kulanaa, Itoobiya iyo Madaxda Adduunka waanu la kulanaa.”

Faysal Cali Waraabe wuxuu Khilaafka UCID ku eedeeyay Xisbiga WADDANI, “Khilaafka UCID waxa waday WADDANI.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “WADDANI baa samaystay Xisaab ah in Faysal laga takhaluso, oo Ciidagale iyo Habar Yoonis noqdaan Gar-xajis.”

Guddoomiyaha UCID oo la waydiiyey halka uu tartanka ka bilaabi karo maaddaama oo uu Saaxadda Musharraxiinta soo galay Xilli Xisbiyada kale muddo hawlaha Doorashooyinka iyo loolanka soo wadeen, ayaa si qaawan u weerarray Beesha Habar Yoonis iyo Xisbiga WADDANI, “Faysal waa Nin Qaran, Anigu Ciidagale ma ihi, WADDANI-na waa Koontiinar Habar yoonis ah oo Quful baanu ku xidhaynaa Haddii Alle yidhaahdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Habar Yoonista imika Gar-xajis ku hadaaqeysaa sow kuwii Codka i siin waayay, ee lahaa Cirro meesha ka qaad adna wax kuuma taro, annagana wax nooma taro’e, ee aan ka ladqabanaynayey, markaa Xisaabta Nimankaasi isku geysteen waa xisaab Qalad ah, Axsaabtana waxa loo sameeyay in Dalku Qabyaaladda kaga baxo, Maryo-alool iyo waxaan innagu jirin bay nagu soo celiyeen.”

Comments

comments

SHARE