Somaliland: Xisbiyada Waddani, KULMIEY Iyo UCID Oo Ka Hadlay Murashaxnimada Markii 3aad Ee Faysal Cali Waraabe

Saddexda Xisbi Qaran ee dalka ayaa siyaaba kala duwan uga hadlay kihilaafka Xisbiga UCID iyo murashaxnimada Faysal Cali Waraabe uu xisbiga UCID u doortay inuu mar saddexaad noqdo murashax madaxweyne.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jamaac Shabeel), Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Shabaash iyo  Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillahi Uurcade oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillahi Uurcade uu Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay kow ka yihiin khilaafka UCID, isla markaana ay si cadaalad daro ah ugu kala hiiliyeen labada garab, waxaanu sharci daro ku tilmaamay in Faysal Cali Waraabe markii saddexaad isku soo sharaxo xilka Madaxweyne, waxaanu yidhi “Xukuumaddu waxay muujisay cadaalad daradii ugu weynayd, waxay ku tumatay sharcigii, shuruucdii iyo xeerarkii dalka u yaalay, halkii la rabay  labada dhinaca ee Xisbiga UCID inay dhex u noqoto oo ay dhex dhexaadiso ayey dhinac garabka saartay, go’aankii Maxkamada wey burisay, oo Faysal Cali Waraabe ayey dhinac saartay, oo wey u hiilisay, Jamaal Cali Xuseen oo laga gardaran yahay oo cid waliba arkaysana wey ka hiilisay”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Waddani Maxamed Cabdillahi Uurcade ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko in Faysal Cali Waraabe mar saddexaad noqdo Musharax Madaxweyne ayaa ku jawaabay “Faysal Cali Waraabe sharcigu uma ogolaanayo inuu mar saddexaad isku soo sharaxo ama isku soo taago Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga UCID, Dastuurkuna ma qorayo in laba jeer mooye saddex jeer la isa soo sharaxo”.

Hase yeeshee Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Shabaash ayaa isna dhankiisa ka difaacay Shirkii aan caadiga ahayn ee Xisbigiisu ku doortay Musharaxnimada Madaxweyne, waxaanu yidhi “Anagu ka Xisbi ahaan waxaanu raacnay go’aankii Maxkamadda, Shirweynihii aan caadiga ahayna wuxuu awood u siinaya qabashadiisa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, Shirkan inuu sharci ahaa waxa xitaa caddeeyey oo sheegay Guddida Diiwaangelinta,qodobadii ka soo baxayna waxay ahaayeen qodobo sharciga waafaqsan, oo marnaba wax sharci daro ah kumaanu dhaqaaqin, Jamaal Cali Xuseen iyo cida uu wataaba inay ka soo qayb galaan Shirkaas cidi umay diidin, ee iyaga ayaa diiday, Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaana cod aqbaliyad ah ku diiday inay Xisbiga ka sii mid ahaadan, sidaas ayaana lagu diiday heshiiskoodi, markaas maanta wax laba garab la yidhaahdo ma jiro,Guddida Diiwaagelinta waxaan xaal marin ka siinaya hadalkii ka soo yeedhay Xisbiga Waddani, ee ay ku sheegeen in Guddidu Shirka UCID ee ay taageertay sharci daro ku tilmaantay, markaas waxaan Waddani leeyahay haddii aad sharci daro ku tilmaanteen Shirka aan caadiga ahayn ee ay ka garaabeen, Shahaadada Xisbinimo ee ay idin siiyeena waa sharci daro”.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Shabaash mar aanu wax ka weydiinay inay sharci tahay inuu Faysal Cali Waraabe isa soo sharaxo markii saddexaad ayaa yidhi “Waa sharci inuu Guddoomiye Faysal mar saddexaad tartamo, una tartamo xilka Madaxweyne, oo xeer 14 oo wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey sannadkii 2012 ayaa u ogolanaaya, waxa jira hadalo dacaayado ah oo aan waxba ka jirin oo leh Kulmiye ayaa wata, waxaan leeyahay Kulmiye waxaanu nahay Xisbi aanu tartamayno, oo wixii wanaagsan waanu ku taageeraynaa, wixii xuna waanu ku diidaynaa, sidaas si leeg Xisbi Waddani waanu tartamaynaa”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jamaac Shabeel), ayaa isna dhankiisa sharci ku tilmaamay Shirkii Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi “Go’aanka ay Maxkamaddu soo saartay ayaa sax ah oo lagu dhaqmayaa, waxaanu go’aanka Maxkamaddu sheegayaa awooda uu leeyahay hoggaanka Xisbigu,hogaanka Xisbiga ayaana hawshii wata, shirka aan caadiga ahayn ee Xisbiga UCID qabsadayna sharciga ayuu waafaqsan yahay”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jamaac Shabeel), mar aanu ka wax weydiinay inay sharci tahay in  Faysal Cali Waraabe mar saddexaad isku soo taago Musharaxnimada Madaxweyne ayaa ku jawaabay “Sharcigu wuu ogol yahay inuu Faysal Cali Waraabe mar saddexaad noqdo Musharax”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jamaac Shabeel), mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira faragelinta la sheegay in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ay ku hayaan Xisbiga UCID ayaa ku jawaabay “Wax alaale wax ka jira eeddahaasi ma jiraan, anagu wax faragelin ah oo aanu ku hayno UCID ma jirto, go’aanka Maxkamadda ayaanu baa la dhaqan galiyey.”

Comments

comments

SHARE