Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu maanta magaalada Burco
gudida abaaraha Somaliland ku gudoonsiiyey dee isku jirta lacag iyo raashin .

Musharaxa Madaxweyne ee xisbigaasi Muddane Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa uu sheegay in xisbi ahaan ay maanta gudida abaaraha ku wareejin doonan waxii awoodooda ah ee ay kaga qeyb qaadanayaan abaaraha Somaliland .

Muddane Ciro waxaa uu sheegay in lacag dhan $20.000 (Labataan Kun Oo Doller) iyo 2000(laba kun oo kiish oo raashin ) ah ay kaga qeyb qaadan doonan abaaraaha ka jira gobalada bariga Somaliland .

Hogaamiyaha xisbiga Waddani oo isana halkaasi ka hadley waxaa uu sheegay in ay kormeer indho indheyn ah ay ku soo mari doonan deegano ka tirsan goobaha ay abaaruhu sameyeen .

Gabo gabadii gudoomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo ayaa waxaa uu xisbiga Waddani uga mahad naqay deeqdan caawimada ah ee ay la soo gadheen dadku abaaruhu sameyeen

14937242_1135952786454723_2780873731447644464_n 14956617_1135952146454787_6720971833441890211_n 14962808_1135952789788056_1545551823871772492_n 15027888_1135947193121949_7342114610849935663_n 15032902_1135952296454772_8310216794740883505_n 15055663_1135950489788286_2205124643480586122_n 15073497_1135952086454793_8566504459981648175_n 15078570_1135952606454741_8561015838577664799_n 15078879_1135949519788383_5279587270751716263_n 15078996_1135952619788073_3275871079932039819_n cabdi-haybe cirro

Comments

comments