Somaliland: Wasiirka Qorshaynta: WADDANI Waxba kama Ridayo Taageeradii KULMIYE Ee Degaankayga

133

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali shoombe), ayaa sheegay in taageeradii uu xisbiga KULMIYE ka haystay gobolka Hawd aanay wax saamayn ah ku keeni karin guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI u magacaabay Cabdiqaadir Jirde.

Wasiirku waxa uu xusay in xisbiga talladda haya ee KULMIYE uu taageero weyn ka haysto degaamadda gobolka Hawd, isla markaana aanay jirin wax taageero ah oo uu ka nusqaamiyo guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee dhawaan uu magacaabay xisbiga WADDANI.

Cali Shoombe, oo Arbacadii magaaladda Hargaysa ugu waramayay warbaahinta, waxa uu sheegay in xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf uu isaga laf ahaantiisu ka soo jeedo degaanka gobolka Hawd, isla markaana aanu xilkiisu ahayn ku meel gaadh.

“Way jirtaa in guddoomiye ku meel gaadh ah la siiyo degaanka aan ka soo jeedo ee gobolka Hawd. dhanka kale-na degaankaygu waxay haystaan xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, mana aha ku meel gaadh xoghayaha guud ee aanu haysanaa, ee waa rasmi, Waliba annagu waxaanu dheer nahay illaa maalintii la aasaasay xisbiga KULMIYE illaa maanta xoghayaha guud waxaa fadhiyay degaanka gobolka Hawd,”ayuu yidhi Wasiir Cali Shoombe.

“Xilkan Xoghayaha KULMIYE waxa iskaga dambeeyay ALLE ha u naxariistee Daa’uud Maxamed Geelle iyo Kayse Xasan Cigge. waxaana bedelay Xasan Siciid Yuusuf. Markaa ku meelgaadh-na ma aha kaayagu ee waa rasmi, markaa xisbiga KULMIYE qaybtiisa ayuu ka haystaa gobolka Hawd. Qoladan kale-na ku meel gaadhka marka ay ka baxaan ayaanu eegi, waxa ay u keenaan xisbiga WADDANI”

Comments

comments