Somaliland: “Faysal Cali Waraabe Waa Waxyeello Somaliland Dhex Taalla Oo Xisbiga UCID U Haysta Weel Lagu Qarafaysto (Dawarsado)”..C/rashiid Xasan Mataan

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa si ba’an u dhaliilay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay shakhsi siyaasadda Somaliland ku guul darraystay oo khiyaamo weyn ku sameeyey garabkii Jamaal Cali Xuseen oo uu ku sheegay in ay sabab u ahaayeen soo bixitaankii xisbiga UCID mar kale ku noqday xisbi qaran isaga oo Faysal ku eedeeyey in uu yahay waxyeello weyn oo Somaliland dhex taalla oo dalkan hagar daamo ku ah xisbigana ka dhigtay weel lagu qadhaabsi tago.
Cabdirashiid Xasan Mataan oo wakhtigan ku sugan dalka Jarmalka oo uu kaga qayb galay shir dhinaca ganacsiga ah oo u dhaxeeya Jarmalka iyo Somaliland ayaa waxa uu eedo ballaadhan u soo jeediyey Faysal Cali Waraabe mar uu shalay saxaafadda kula hadlayay Jarmalka waxaanu yidhi: “Waxaan arkaa in Faysal Cali Waraabe yahay carqalad Somaliland dhex taalla. Waxa uu Guddoomiye u soo ahaa Xisbiga wakhtigan xisbiyada dalkeena ka jira ugu da’ weyn waxaana hore uga da’weynaa oo kali ah xisbigii UDUB. Waxa uu hore u sheegay in bakhtiga oo xalaal u ah aannu aniga iyo Jamaal Cali Xuseen u nimid oo aannu annagu xisbiga soo saarnay. Xisbiga UCID waxa uu ku soo baxay magacayagii iyo dhiiggii cusbaa ee aannu ku shubnay iyo taageeradii ay shacabkayagu nagu siiyeen annaga laakiin waxa uu ninkaasi Faysal Cali Waraabe garab maray sharcigii iyo axdigii ballanta uu nagula galay iyo ku talo galkiiba uu garab maray. Waxa uu nagaga baxay in uu xisbigana u hiiliyo isaguna magac ahaan maadaama uu laba jeer oo hore dhacay uu isu taago in xisbigu noqdo xisbi talada dalka qabta. Nasiib darro waxaannu ka badbaadin kari waynay isagii xisbigii in uu carqalad ku noqdo. Waa nin xisbiga u haysta Fijaan (weel) lagu qarafaysto (Dawarsado) ama lagu maxaabsato laakiin aanay ka go’nayn in uu xisbigu noqdo mid taabbo gala oo talada dalka u tartama iyo in uu dalka wax ku taro. Faysal afka ayuu ka yidhaa Somaliland baan wax tarayaaye waa waxyeello Somaliland taalla. Waxaanad arkayseen in uu illaa shalay ka sheekaynayay khaayinimada uu ka sameeyey xisbiga” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cabdirashiid Xasan Mataan.

Comments

comments