Somaliland: Ajendaha Food-saarada Looga Dhigay Safar Midabo Leh Oo Ay Xirsi Iyo Cirro Ugu Baxeen Gobollada Bari Iyo Qorshaha Kulamo reeraysan Oo Galbeedka Burco Ku Jihaysan

322

Dhalinyaro Loo Laqimay Qorshahooda  Oo Ceelalyo Looga dhigay Lugta 1aad ee Safarkan Iyo    Xirsi Oo  Ugu Faanay Cabdiraxmaan Cirro 

Cirro Iyo Kaadirka Xisbigiisa Oo Olole Qiiq Isku-qarin ah ula tegaya Shacab  Abaaraysan Iyo Qorshe-xumo Ka Arradan  Gurmadka Ay U Sideen Oo Ka Muuqatay Socdaalkooda

Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), isla-markaana ay xubno ka yihiin Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbigaas xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo weliba saraakiil kale oo isla xisbigaas katirsan, ayaa dhuumasho ku galay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxana safarkooda kasoo baxaya warar kala duwan.

Inkasta oo ay hoggaanka WADDANI safarkooda ku sheegeen mid salka ku haya xaaladda abaaraha eek a taagan gobollada bariga dalka, haddana xogaha safarkaas ku saabsan ee uu helayo wargeyska Hubaal, ayaa sheegaya in ujeeddadoodu intaas ka duwan tahay, isla-markaana ay hoosta ku wataan ahdaaf qarsoon oo ay codad cusub ku raasdanayaan, maadaama ay iska yar tahay rajada ay shacabka deegaanadaasi ku qabaan xisbiga WADDANI.

Xoguhu waxa ay intaas ku darayaan in guddoomiye Cirro iyo xubnaha wehelinayaa wataan qorshayaal ay kulamo qarsoodi ah Huteelada magaalada Burco iyo magaalooyinka kale ee bariga dalka kula qaadan doonaan waayeel iyo waxgarad ay si gaar ah ula sii heshiiyeen, kuwaas oo ay kulamo reernimo ku dhisan la qaadan doonaan.

Magaalada Burco oo sida aanu warka ku hayno xudun u ah safarkooda, ayey ka kiraysteen Huteello  dhawr ah oo intooda badani ku yaalliin galbeedka magaalada, waxana ay halkaas si qarsoodi ah fadhiyo olole ku dhisan kula qaadan doonaan tiro odayaal ah oo ay ka xod-xodanayaan sidii ay beelahooda cod uga keeni lahaayeen.

Odayaal dhaqameedka ay hoggaanka WADDANI qorshaysteen inay kulamo qarsoodi ah la yeeshaan, ayaa u badan kuwa horeba loogu ogaa inay taageeraan xisbigaas, waxase wehelinaya dhallinyaro lacago iyo waxyaabo kale loogu ballan qaaday oo uu Ex. Wasiir Xirsi doonayo inuu xisbiga ugu muujiyo inuu ciduun wato, kuwaas oo lagu bixin doono lacago tiro badan oo dadka abaaruhu taabteen baahi weyn u qabaan.

Ex. Wasiir Xirsi, ayaa isagu qorshaystay inuu qaab beelaysan kulamo qarsoodi ah kula qaato dhallinyaro uu goor horeba halkaas kusii ballansaday, kuwaas oo uu doonayo inuu ku dirqiyo sidii taageerada xisbga WADDANI oo muddooyinkan hoos usii socda ay kor ugu qaali lahaayeen.

Kulamadaas oo qaarkood la qorsheeyey inuu xataa guddoomiye Cirro qayb ka noqdo, ayaa ah qaar diirrada lagu saarayo in abaabul xoogan la geliyo shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay xisbiga WADDANI taageerayaal u yihiin, kuwaas oo aan in muddo ah la kulmin madaxda xisbiga.

Inkasta oo hoggaanka xisbiga WADDANI bulshada u sheegeen inay safarkooda diirrada ku saarayaan arrimaha abaaraha bariga, haddana socdaalkoodu waa uu ka duwan yahay, waxana uu huwan ujeeddo olole salka ku hayso iyo weliba kulamo reernimo ku dhisan oo ay hoggaanka xisbigu ku tallaabsan doonaan.

Comments

comments

SHARE