Barcelona Oo Lacag Waali Ah Kaga Iibineysa Taageerayaasha Real Madrid Ee U Soo Booqanaya Camp Nou Kulanka El Classico

Taageerayaasha Real Madrid ayaa ka careysan in kooxda Barça ay kaga iibineyso tikidhada kulanka koowaad ee El Classico ee xili ciyaareedkaan ee ka dhici doona garoonka Camp Nou taasoo ku dhawaad 50 dollar ka qaalisan tan laga iibanyo taageerayaasha kooxda martida loo yahay.

Kooxda Madrid ayaa loo ogolaadya 600 oo qof oo taageerayaasheeda Los Blancos iney soo booqdaan garoonka Barca waxayna bixin doonaan lacag dhan 123 euros qofkii, sidoo kale waxa garoonka ka fariisan doonaan qeybta ugu danbeysa iyagoo laga xiri doono taageerayaasha martida lo yahay iyo meel u dhaw ciyaartooyda.

Taas cagsigeeda, taageerayaasha martida loo yahay ayaa halkii takid ku iibsan doona kaliya 80 eurosiyadoo farqiga labada dhinac u dhexeeyo uu si layaab leh u yahay 43 euros

Xiriirka taageerayaasha Real Madrid ee  ‘Madridista Association March 6, 1902’ ayaa warqad u diray xiriirka kubada cagta Spain ee LaLiga si ay ugu muujiyaan ineysan ku faraxsaneyn lacagtaan lagu soo dalacay.

Comments

comments

SHARE