Somaliland: Xisaab-xumo Ka Dhex Jirta Guddida Heer Qaran Ee Gurmadka Abaaraha Iyo Baafinta Dhaqaalle Lagu Ogaa Abaartii Galbeedka Ka Dib Oo Aan Xisaab-xidhkeeda La Hayn

????????????????????????????????????

Ganacato Waaweyn Oo Xisaab-Xumada Guddida Abaaraha Darteed Uga Cago-Jiiday Inay Maalkooda

“Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Waaweyn Ee reer Somaliland Ah Oo  Shalay Ku Yaboohay Adduun Xooggan Oo Loogu Gurmanayo Dadka & Duunyada Abaaraysan Bixiyaan Iyo Shacabka Oo Muujiyey Baahida Ay U Qabaan Cid Madax Bannaan Oo Lacagtaas Maamusha

Waxa soo baxaya werweka iyo kalsooni darrada lagu qabo guddida loo xilsaaray inay ka shaqayso arrimaha abaaraha bulshada soo wajaha oo soo noqnoqday, kuwaas oo horraantii sanadkan uu madaxweynuhu magacaabay, balse  mad-madow badani ku jiro qaabka ay u shaqeeyaan. Hubaal la’aanta ka dhanka guddida abaaraha, ayaa  inteeda badan la dareemay intii ay dibadda usoo baxday dhibaatada abaarta daran ee haatan haysata gobollada bariga dalka, taas oo u baahatay in gudo iyo dibadba gacmaha la isu qabsado sidii dadkaas loogu gurman lahaa, balse ay guddidaasi markiiba sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in iyaga loo xidho dhaqdhaqaaq kasta oo deeqo loogu ururinayo dadka tabaalaysan. Bulshada dhibta abaartu haysato iyo weliba dadka kale arrimaha maaliyadda falanqeeya ayaa su’aalo badan ka keenay hab-dhaqanka guddida abaaraha, waxana dhaleecaynta ugu weyn ee guddidan loo hayo marka laga yimaaddo nidaamkooda maamul ay tahay inaanay haba yaraatee haynin wax xisaab xidh ah oo la xidhiidha lacago malaayiin dollar gaadhayey iyo hanti kale oo badan oo gacantooda soo gashay xilligii ay gobollada galbeedka dalka abaarta darani ka jirtey oo gudo iyo dibadba gurmad badan laga sameeyey, isla-markaana iyaga oo lacagahaas weli gacanta ku hayo roobabkii da’ayeen oo abaartii jabtay. Guddidan oo u badan ganacsato, culimo iyo weliba xubno xukuumadda katirsan, ayaa ilaa iyo haatan afkooda ka sheegin meesha ay martay, qaabkii ay u baxday, habkii ay u maamuleen iyo weliba qaddarka lacaga ah ee kasoo hadhay lacagihii xilligaas hore gacantooda galay iyo raashinkii badnaa ay la wareegeen, taas oo shaki gelisay xallaafnaanta(transparency) gudidda iyo weliba nidaamka ay lagacaha u maamulaan.

Bulshada inteeda badan waxa ay su’aalo badan gelisay halka ay ku baxday lacagihii xad-dhaafka ahaa ee waddamada Caalamka oo Soomaliya kamid tahay umadda ku caawiyeen xilligii abaartii gobollada galbeedku taagnayd oo guddida abaaraha lagu wareejiyey, tii umadda lagaga ururiyey, tii mushaharka shaqaalaha laga jaray iyo tii xukuumaddu bixisay oo aan midnaba wax xisaab xidh ah marnaba laga haynin.

Guddida abaaraha, ayaa iyagu diiday inay umadda ka qanciyaan halka ay martay lacagtaasi iyo weliba habka ay u maamuleen, waxana hoos usii socota kalsoonidii bulshadu ku qabtay guddidaas, waxana xusid mudan in xilligii abaarta hore taagnayd ee tiro badan oo bulshada kamid ah lacago wax tarayey ku shubeen telefoono guddidu gacanta ku haysay, balse haatan waxa muuqata inay dadku  guddida uga fadhiyaan jawaabta su’aalo  la xidhiidha halka lacagtoodii hore la geliyey iyo sida baaqigii abaarta hore loo maamulay maadaama abaartii  jabtay xilli ururintii lacagtu socoto.

Xukuumadda ayaa maalmihii ugu dambeeyey qaylo-dhaan laxaad kasoo saaraysay xaaladda abaareed ee gobollada bariga ka jirta, waxana madaxtooyada ku xaraysnaa xubnaha guddida abaaraha ee hore madaxweynuhu u magacaabay, kuwaas oo ay weli akoontooda ku dhacayso lacagto malaayiin Dollar ah oo xukuumadda iyo ganacsatada waaweyn qaarkoodba laga ururiyey.

Dorraad oo Arbaca ahayd waxa ay xukuumaddu guddidan ku wareejisay lacag Hal milyan oo Dollar ah, halka maalintii shalay oo khamiis ahayd isla xarunta madaxtooyada oo ay guddidu joogtay xubno ganacsato ahi kaga yabooheen $1,035000(hal milyan)oo dollar oo lacag kaash ah iyo raashin iskugu jirta, taas oo si toos ah ugu dhici doonta gacanta guddida abaaraha, isla-markaana ay iyagu maamuli doonaan.

Waxa xusid mudan in hoggaanka guddida abaaruhu ku guuldarraysteen inay ka jawaabaan su’aal uu isla goobtaas ku weydiiyey wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, taas oo ahayd inuu bulshada u sheego tirada lacagtii ay abaartii hore kaga heleen dadka shicibka ah oo qaab electronic ah kusoo dirayey, taas oo uu aamusnaan kaga jawaabay.

Xilligan oo dalku ku jiro xaalad abaareed oo bilow ah, ayaa waxa xawaare aad u hooseeya ku socda gargaarka lagu yaboohayo ee dadkaas loogu talo galay, waxana taas inteeda badan sabab looga dhigayaa xisaab xumada guddida abaaraha oo aan qaab dadka wax bixinaya soo jiidan kara u abaabulnayn, isla-markaana aan diyaar u ahayn inay bulshada la wadaagaan lacagaha gacantooda soo gelaya iyo meelaha ay ugu talo galeen inay ku bixiyaan.

Waxa kale oo xusid mudan in ganacsato waaweyn oo dalku leeyahay oo aanan halkan ku magacaabi karinini weli ka aamusan yihiin qaadhaanka loo ururinayo dadka abaartu taabatay, waxana xogaha aanu haynaa sheegaynaa inay diidan yihiin guddida abaaraha oo aanay hawshoodu caddayn, isla-markaana doonayaan inay iyagu si toos ah dadka gacantooda ugu geeyaan wixii ay bixinayaan.

Comments

comments