Somaliland: “UUR-CADDE Berigaan Maayar-ku-xigeenka Ka Dhigay Bas Buu Wadi Jiray, CIRRO-na Meel Ciyaalka Lagu Xanaanneeyo Ayaan Kasoo Kaxeeyey”

320

Eng. Faysal Cali-waraabe Oo Shalay Loo Doortay Musharraxnimada Madaxweynaha Xisbigiisa+Badkana Soo Dhigay Meeqaamkii Ay Bulshada Kaga Jireen Guddoomiye Cirro Iyo Xoghaye Uur-cadde Ka Hor Intii Aanay Tareenka UCID Fuulin

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md. Faysal Cali-waraabe si adag iskaga fogeeyey eedo hoggaanka saree e xisbiga WADDANI u jeedinayey oo sheegayey inuu caddaalad-darro ka dhex wado xisbigiisa.

Guddoomiye Faysal oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey madashii loogu dooranayey murrashaxnimada xisbiga, ayaa hoosta ka xarriiqay inaanay hoggaanka WADDANI cid kale caddaalad-darro ku eedayn Karin inta ay dhegaha bulshada kasii guuxayaan ceebihii ka dhacay shirkoodii golaha dhexe ee dhawaan soo idlaaday,“Cabdiraxmaan Cirro iyo WADDANI sharci-darro kama hadli karaan, waaba nimankii golahoodii dhexe oo 251 ahaa maalin qudha 600 kaga dhigay oo aanay cidi dooran” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiye Faysal isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray“Saaqidiintii aan anigu dusha soo saaray haddii ay igu af-barteen waxan leeyahay anigaa magaca idiin sameeyaye raganimo kumaydaan soo bixin.”

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah u magacaabay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, mudane Cirro iyo weliba xoghayaha guud ee xisbigaas Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo labaduba hore xisbiga UCID uga soo tirsanaan jirey, waxana uu bulshada u iftiimiyey halkii uu xubnahaas markii hore kasoo kexeeyey,“Ina Uur-cadde markii aan Maayar ku-xigeenka ka dhigay wallaahi Bas buu waday, markaa inuu igu afbarto ma ah, Cabdiraxmaan Cirro-na Meel Ciyaalka lagu xannaaneeyo ayuu ka shaqayn jirey oo aan kasoo kaxeeyey,” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Faysal waxa uu sheegay inuu caddaalad-darro sameeyey markii uu xoghaye Uur-cadde ka dhigay maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, waxana uu yidhi,“Cabdiraxmaan waabuu iga aamusan yahee balk an baska waday ee aan maayar ku-xigeenka ka dhigay ee cunay dawladihii Hoose ee aniga ileh caddaalad-darruu ahaa eega, Caddaal-darrada anigaa sameeyey markii aan maayar ku-xigeenka kaa dhigay.”

Mar kale guddoomiye Faysal isaga hogo-tusaalaynaya abaalkii uu xoghaye Uur-cadde u galay, waxa uu yidhi,“Markii aan adiga oo reerkiinu u codaynayo HORMOOD aan kaalinta koowaad ku geliyey ee codkii Ciidagale kugu soo saaray anigaa qaladka sameeyey.”

Waxa uu shaaciyey inay ka go’an tahay sidii uu Somaliland u dhisi lahaa, isla-markaana uu horeba wax badan qarankiisa usoo taray, waxana uu midh midh u sheegay madaxweyneyaashii Somaliland soo maray ee uu lasoo shaqeeyey,“siyaasaddu ma aha yaanay Somaliland dhaqaaqin ilaa aan madaxweyne noqdo, Somaliland waan la shaqaynayaa anigu, Cigaal waan la shaqayn jirey oo waxay odhan jireen maayarnimuu ka doonayaa, Riyaale-na waan la shaqayn jirayoo waxay odhan jireen waa sub-station, imikana waxa ay leeyihiin Muuse ayuu dhisayaa, waar ma anigaa nin dhisa” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Mar uu ka hadlayey cidda dacaayadaha afkaartiisa ka dhanka ah bulshada ku dhex fidinaysa waxa uu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe,“Dacaayadaha raqiiska ah ee ka imanaya Galbeedka Burco iyo meelaha Habaryoonista ha Ii maqlina walaalayaal.”

Comments

comments