Somaliland: Muuse Biixi oo Si Adag ula Hadlay Culimada, Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta

Muuse Biixi oo Si Adag ula Hadlay Culimada, Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta

Guddoomiyaha ahna Musharaxa jagada Madaxweynaha u tartami doona Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa farriimo waqtiga iyo waayaha ku qottoma u kala diray qaybaha ugu awooda badan ummadda Somaliland ee kala ah Culimada, Ganacsatada iyo siyaasiyiinta.

Muuse Biixi ayaa farriimahan warbaahinta u mariyey mar uu shalay ka hadlayey xaflad taageero ah oo loogu sameeyey magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi ugu horreyn farriin codsi ah u diray Culimada waa weyn ee dalka waxaanu yidhi “Maanta, maalin dadku diinta ka yaqaano oo ay ka qur’aan akhris badan yihiin ma jirto, Culimada waaweyn waxaan ka codsanayaa inay ka hawlgalaan oo inaga yareeyaan afkaarta iskhilaafsan ee faraha badan ee diiniga ah, Culimadu marka ay midoobaan ee niyadooda iyo qalbigoodu midoobo ayaa Illaahay inagana inoo naxariisan doonaa”.

Muuse Biixi waxa kale oo uu culimada ka codsaday “Culimada waaweyn waxa kale oo aan ka codsanayaa inay sameeyaan cilmi baadhis Diiniya oo ay dadka baraan Diinta iyo sida Diinteena suubani nolosha u qaabaysay, ee aanu Nin waliba meel iskagala kicin”.

Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu farriin u diray Ganacsatada “Dadka Maalqabeenka ah waxaan leeyahay waa la idinku imtixaamayaa maalka, maanta maalka idinku ma lihidin ee illaahaya ayaa leh oo idiin dhiibay, barina waad ka dhiman doontaan, markaa waxa la idinku eegayaa inaad ku badbaadisaan dadka abaaruhu hayaan oo aydaan lexejeclayn, waayo, waa maalintii la wada lahaa Maalka”.

Sidoo kale Muuse waxa uu waano u diray Siyaasiyiinta “Madaxda Qaranka ee aan ka midka aheyn waxaan ku waaninayaa waxaad xilka u haysaan waa qaranka, waana lagu imtixaamayaa, maantana waxa lagu imtixaamayaa madaxda qaranka Abaaraha jira siday dadkooga u abaabulaan ee ay ugu gurmadaan, waxaanan ku dardaarayaa inay gurmad dhab ah ka galaan Abaaraha”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha ahna Musharaxa jagada Madaxweynaha u tartami doona Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Comments

comments

SHARE