Somaliland: Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Xaalad Caafimaad Loogu Qaaday Dalka Dibaddiisa.

105

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici ayaa waxaa xaalada caafimaad loogu qaaday magaalada Dubai ee xarunta dalka isku taga imaaraadka qarabta.

Sababta madaxweyne ku xigeenka loogu qaaday dalka Imaaradka ayaa waxaa tahay markii dhawaan madaxweyne ku xigeenka uu dhawac ka soo gaadhey lugta gaar ahaan misigta ka dib markii uu aqalkiisa ku dhex siibtey.

Intii uu madaxweynuhu dhawaaca soo gaadhey waxaa aqalkiisa ku soo booqdey madaxwanaha Somaliland Axmed Siilanyo iyo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Comments

comments