Somaliland: Ma Dhabaa Inu Jamaal Cali Kulan Qarsoodi ah La Yaashay Waxgaradka Beeshiisa Oo Ay Qodobo Isla Meel Dhigeen

Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka Wargane kana helayso ilo wareedyo u dhuun daloola Jamaal ayaa sheegaya in xalay fiidkii uu Musharax Jamaal Cali Xuseen kulan hoose la qaatay qaar kamida odayaasha iyo waxgaradka beeshiisa.
Kulankan hoose oo ka qabsoomay Hotel Maansoor ayaa waxa xogahani noo sheegeen in ay labada dhinacba ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya khilaafka xisbiga UCID Ragaadiyay iyo waliba shirkii shalay ay qabsadeen garabka gudoomiye Faysal Cali Waraabe isla markaana ay ku laaleen heshiiskii ay kala saxeexdeen gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo garabkii uu hogaaminayay Jamaal ee kasoo go’ay xisbigii UDUB.
Waxaana uu Jamaal Cali Xuseen odayaashan u sheegay in xubnaha golaha dhexe ee shalay codka gacan taaga ah ku ansixiyay in la laalo heshiiska ay kala saxeexden Faysal iyo Jamaal aanay ahayn xubnihii golaha dhexe ee fadhiyay 2012 markii ay kala saxeexanayeen heshiiska,balse uu Faysal xubnahan kassoo urursaday suuqa iyo goobaha ganacsi ee magaalada hargeysa.
Sidoo kalena waxa uu Jamaal Cali Xuseen odayaasha ka codsaday inay taageeraan waxa iyaduna xusid mudan in odayaashani ay xalay Jamaal usoo bandhigeen qodob ah inay la kulmaan odayaasha iyo waxgaradka gudoomiye Faysal isla markaana ay kala hadlaan arrinka xisbiga balse taas ayaa naloo sheegay inuu Jamaal Cali Xuseen aqbalay.
Kulankan oo saacado kooban qaatay ayaa kusoo dhamaaday is afgarad ah in ay odayaashu taageeraan Jamaal Cali Xuseen iyo garabkiisa iyo sidoo kale in odayaashani kulan la qaataan odayaasha iyo waxgaradka gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayna kala hadlaan arimaha xisbiga.
Gabagabadiina khilaafkan ragaadiyay xisbiga UCID isla markaana sababay in masuuliyiinta xisbigu laba garab u kala jabaan ayaa waxa loo aanaynayaa in xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ay dabada ka riixayaan,ilaa haddana lama garanayo halka uu ku danbayn doono iyo waxa uu ku dhamaan doono khilaafka xisbiga UCID.

Comments

comments

SHARE