Ka Hor Kulanka Brazil Vs Argentina, Neymar JR, Lionel Messi Iyo Mascherano Oo Brazil Ka Wada Degay Iyaga Oo Brazil Ugu Wada Duulay Diyaarada Khaaska Ah Ee Neymar

Xidigaha kooxda Barcelona ee Lionel Messi, Neymar JR iyo Javier Mascherano ayaa ka degay dalka Brazil ka hor kulanka muhiimka ah ee ay Brazil soo dhawayn doonto xulka qaranka ay sida wayn u xifiltamaan ee Argetnina, waxayna saddexdan xidig ka soo wada duuleen magaalada Barcelona iyaga oo soo raacay diyaarada khaaska ah ee Neymar JR.

Laakiin saaxiibtinimadooda ayaan jiri doonin marka khamiista ay garoon iskugu soo galeen kulanka isreeb reebka koobka aduunka ee Brazil iyo Argentina. Messi, Neymar iyo Mascherano ayaa ka degay Belo Horizonte iyaga oo baraha bulshada soo dhigay sawirka safarkooda.

Markii ay soo degeen Messi, Neymar iyo Mascherano iyo masuuliyiinta kale ee la socday ayaan saxaafada loo ogalaan in ay la hadlaan waxaana lagu qaaday gawaadhi si ay ula midoobaan xulalka qaramadooda ee ka hor kulanka adag ee ay Brazil iyo Argentina iskaga hor iman doonaan.

Brazil ayaa isku diyarinaysa in ay ku ciyaarto aroonkii ceebta abid ugu xumayd ku soo gaadhay ee ay Germany 7:1 ka kagala kulantay koobkii aduunka ee sanadkii 2014kii. Messi iyo Mascherano ayaa ahaa ciyaartoyda ugu danbeeyay ee gaadha Brazil waxayna dhamaystireen kooxda xulka qarankooda Argentina. Ciyaartoyda Brazil ayaa si wayn ugu diyaar garoobaya kulanka Argentina.

Brazil ayaa Argentina soo dhawaynaysa iyada oo kaalinta kowaad kaga jirta isreeb reebka qaramada South America ee koobka aduunka 2018 kadib markii 10 kulan la ciyaaray  waxayna Brazil hogaanka ku haysaa 21 dhibcood iyaga oo 5 dhibcood ka sareeya Argentina oo aan wax guul ah arkin tan iyo markii uu Lionel Messi dhaawucu soo gaadhay.

Argentina ayaa kaalinta lixaad kaga jirta isreeb reebka koobka aduunka ee qaramada South America waxaana dhibaato wayn ku noqotay in xulka qaranka Bolivia afar dhibcood laga jaray iyada oo dhibcahan la siiyay xulalka qaramada Chile iyo Peru oo ay Bolivia la soo ciyaartay kadib markii ay soo safeen ciyaartoy hore ugu ciyaaray Paraguay.

Comments

comments

SHARE