Zlatan, Hazard Iyo Pogba Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Fiican EPL-ka Isbuucaan Oo Uu Soo Doorto Khabiirka BBC-da Garth Crooks

Khabiirka BBC-da Garth Crooks ayaa soo doortay shaxdiisa ugu fiican isbuuca 11-aad ee horyaalka Ingiriiska kadib markii dhamaan ay soo afjarmeen kulamadii isbuucaan.

Manchester United, Liverpool iyo Chelsea ayaa guulo waaweyn gaaray halka Manchester City Iyo Arsenal aysan wax guul ah gaarin iyagoo barbaro la galay Middlesbrough iyo Tottenham Hotspur kulamadoodii isbuucaan taasna waxey sahashay in Reds ay hogaanka EPL-ka si madax banaani ah ugu fariisato.

Todobaadkaan Garth Crooks wuxuu goolka usoo doortay da’yarka Sunderland Jordan Pickford kaas oo todobaadkii hore noqday kii ugu xumaa shaxdaan, wuxuuna kooxdiisa ka saaciday iney guul 2-1 ah ka gaarto Bournemouth, labadii fursadood oo uu ka badbaadiyay Jack Wilshere iyo Joshua King ayaa ahaa wax xaqiiqda ka fog sida uu qabo Garth.

Dhanka kale daafaca wuxuu soo doortay shan ciyaartoy oo kala ah Victor Mosses, Eric Dier, David Luiz, Dawson iyo Friend oo ka kala tirsan Chelsea, Spurs, Hull City iyo Middlesbrough.

Layaab ma lahan in Eden Hazard uu shaxdaan kasoo muuqdo waayo wuxuu ahaa mid cajiib badan kulankii ay Blues 5-0 ku xaaqday Everton, sidoo kale waxaa dhexda kula lamaan ah Coutinho oo ku lug lahaa kulankii ay Reds xasuuqday Watford iyyo sidoo kale Pogba oo gool cajiib badan ka dhaliyay Swansea City.

Dhanka Weerarka waxaa lamaan ku ah Sadio Mane oo laba gool ku saaciday Liverpool iyo Ibrahimovic oo abaarta goolasha ka baxay laba goolna ku saaciday kooxdiisa.

Comments

comments