Somaliland: “Tarabuunka Silig Ayaa Ku Xidhan, Ciddii Amarrada Nabad-gelyada Ku Dhaqmi Weydana Tallaabo Ayaa Boolisku Ka Qaadi Doonaa”

306

“Farriinta Aan Dhalinyarada U Dirayaa Waxa Ay Tahay Inay reeban Tahay In Dhagax & Caagad La Tuuro Ama La Sameeyo wax Aflegaado Ah” Taliye Cabdillaahi Fadal Oo Ka Hadlay Amniga Hargeisa Stadium

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay qaabka ay u sugeen amaanka garoomada ay ka socdaan ciyaaraha gobolada Somaliland. Taliye Cabdilaahi Fadal ayaa sheegay in ciyaaruhu ilaa hada u socdaan si nabad galyo ah loona baahan yahay in dadweynuhu ciidanka kala shaqeeyaan amaanka waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “marka hore ilaahay ayaa mahad leh sida fiican ee inoogu socdaan ciyaaruhu waxaanan bulshada somaliland iyo taageerayaasha gobolada uga sheegayaa inay amniga ilaaliyaan, qorshe ayey wasaarada ciyaaruhu soo dhigtay anaguna qorshe ayaanu amniga u samaynay cida caagad tuurta ama dhagax tuurta ama wax kale tuurta ciidamada boolisku iyaga oo garoonka ku sugan. waxay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan, waxaanan uga digayaa taageerayaasha dhalinyarada ah inay sameeyaan wax nabad galyada carqalad ku ah waana ayaamihii ugu danbeeyey, maantana afartii danbe ayey laba wada ciyaarayaan laga bilaabo. maanta farriinta aan dadweynaha u dirayaa waxay tahay inay reeban tahay in dhagax la tuuro ama caagad la tuuro ama la sameeyo wax taageerrada ka baxsan oo aflagaado ah, waxaan dhalinyarada uga digayaa hadyo jeer marka laga dareero kubada inay dadka ku qash qashaan meelahaas cidii sidaas lagu helaana talaabo ayaa laga qaadi doonaa, waxaanan dadweynaha caasimada uga mahad celinayaa sida ay ula shaqeeyaan ciidamada amaanka.”ayuu yidhi taliye Cabdilaahi Fadal oo u waramay Star Tv. Taliye Cabdilaahi Fadal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan leeyahay dadweynaha caasimada waa inaad ilaalisaan amaanka oo aad soo dhawaysaan ciyaartoyga gobolada, ciyaartuna waa bar cad iyo bar madow waana lagu kala badin karaa laakiin amaanku wax lagu ciyaari karo maaha cidii ku ciyaartana ciidanka boolisku waxay amran yihiin inay talaabo sharciya ka qaadaan, taarabuunka laftirkiisa nidaam ayey wasaaradu u soo dajisay anaguna dhinaca nabad galyada nidaam ayaanu u dajinay, silig ayaa ku xidhan meelo gaar ah ayaa maanta laga bilaabana loo sheegi doonaa taageerayaasha cid walbana dhinaca loo jeediyo waa inay amarka qaataan oo ay tagaan cidii ku dhaqmi wayda amarada nabad galyadana booliska ayaa talaabo ka qaadi doona.”

Comments

comments

SHARE