Somaliland: Ismaaciil Buubaa Oo Wali Garaacaya Durbaanadii Somaliwayn Adeege Dirane Ka Ah Qasriga Villa Somaliya Iyo Dabinada Ku Xeeran.

Ismaaciil Buubaa Oo Wali Garaacaya Durbaanadii Somaliwayn Adeege Dirane Ka Ah Qasriga Villa Somaliya Iyo Dabinada Ku Xeeran. Ismaaciil Buubaa Oo Wali Garaacaya Durbaanadii Somaliwayn Adeege Dirane Ka Ah Qasriga Villa Somaliya Iyo Dabinada Ku Xeeran.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo oo 25-kii sano ee la soo dhaafay u sacabo tumayey fikirka Somaliwayn ayaa mudo aan wakhti badan laga joogin waxa uu sheegay in uu dib ugu soo laabtay Carada Somaliland oo in badan ku tilmaamayey dhalanteed aan wax jira ahayn.

Balse Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaan wali shacabka u cadayn halka uu dhigay fikirkiisii Somaliwayn ee Somaliland-na ku sheegi jiray Dhalanteed inkasta oo uu si dadban u sheegay in uu ka tanaasulay Fikirka Federaalka.

Ismaaciil Ayaa wakhtigan lagu sheegaa siyaasi ku abtirsada siyaasadda Xasan Sheekh iyada oo fikiro lagu wiiqayo Somaliland looga soo yeedhiyo Villa Somaliya isaguna u sii yeedhiyo Xisbiga uu ka mid ka yahay ee Waddani.

Tan iyo intii uu Somaliland caradeeda dib ugu soo laabtay waxa uu Hotelka Ambasaddor ee magaalada Hargeysa kaga jiraa shirar aan dhamaan isla markaana aan u jeedadooda la fahmin waxaana socdaalkii ugu horeeyey uu ku gaadhay Borama isaga oo ku daba dhuumanaya siyaasiga ay isku dhererka yihiin Ee Xirsi.

Ismaaciil Hurre ayaa inta badan ka dhuunta xafladaha dabaal daga Qaranimada Somaliland waxaana uu afkiisa ka dhawraa in uu Somaliland ku sheego dal madax banaan balse waxa uu adeeg sadaa wadan Jiray wakhtigii Ingiriiska taasina waxa ay calaama su’aal saaraysaa Fikirka ismaaciil Hurre Buubaa.

Comments

comments

SHARE