Somaliland: Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Dhaawac Soo Gaadhay Iyo Madaxweyne Siilanyo Oo Gurigiisa Ku Bookhday

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici Oo Dhaawac Soo Gaadhay Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Gurigiisa Ku Bookhday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Md. Axmed Cali Axmed, ayaa gurigiisa ku bookhday Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo dhaawac ka soo gaadhay misigta bidix ama lugta bidix ka dib markii uu ku siibtay marmarka gurigiisa.
Madaxweyne ku xigeenka oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay wax u soo gaadheen markii uu dhacay, ayaa sheegay in markii nabarku soo gaadhay aanu wax dhiba dareemayn balse hadda aanu kici Karin iyadoo la taageero mooye, dhakhtaro doorina ay u yimaadeen kuna hawlan yihiin inay ogaadaan sida ay laftu wax u qabto.
Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay marka laga yimaado dhaawaca ka soo gaadhay midigta ayuu madaxweynuhu ugu duceeyey in Alle u fudaydiyo nabarkaa soo gaadhay, ugana dhigo mid sahlan oon dhib lahayn.
Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

14440631_1103612973085888_879426380532229014_n 14900457_1103612546419264_3626191960636787908_n 14910340_1103612206419298_7021297599857395844_n 14910445_1103612429752609_484471282358333441_n 14915574_1103612209752631_4095065311308793074_n 14938102_1103612626419256_6407204807026057929_n 14925402_1103612343085951_1366894203887722631_n 14956401_1103559463091239_4710280845331763559_n

 

Comments

comments

SHARE