Falaaqeynta Kulanka Xiisaha Badan Ee North London Derby Ee Arsenal Vs Tottenham, Gunners Oo Raadineysa Guul Kale Xili Aan Spurs Wali Laga Adkaan

Arsenal ayaa rajeyneysa iney qaab ciyaareedkeeda fiican iyo rikoorka ay Tottenham kaga heyso kulamada north London derby ay sii dheereysato marka ay labada koox ku kulmaan garoonka Arsenal Ee Emirates xiliga qadada ee Uk.

Kulanka: Arsenal Vs Tottenham.

Garoonka: Emirates Stadium

Saacada Geeska Afrika: 3:00 Galabnimo

Wararka Labada Koox:

Gunners oo kaliya hal guuldaro gurigeeda kagala kulantay 26 ee ay la ciyaaraan Spurs ayaa soo dhaweyn doonta kooxda maclain Mauricio Pochettino iyadoo Gunners ay ku jirto qaab ciyaareed fiican.

Hector Bellerin ayaa taam u noqon doona kooxda Arsenal kadib jug ka soo gaartay isniintii tababarka uuna seegay kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Ludogorets, sidoo kale Theo Walcott, Santi Cazorla iyo Nacho Monreal ayaa dhamana ku dhaw iney taam u noqdaan kulankaan halka Kieran Gibbs oo garab ay wax ka gaareen la qiimeyn doono xaaladiisa.

Pochettino ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Toby Alderweireld uu seegi doono kulankaan laakin Harry Kane ayaa ka mid noqon doona kooxda Tottenham, Mousa Dembele iyo Erik Lamela ayaa labadaba la qiimeyn doonaa xaaladooda halka Moussa Sissoko uu ganaax ku seegi doono kulankaan.

Eric Dier ayaana daafaca dhexe kala ciyaari doona saaxiibkiis Jan Vertonghen.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Arsenal ayaana wax guul ah gaarin afartoodii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier League ee north London derbies (barbaro 3 Guuldaro 1) – waligood shan kulan oo xiriir ah guul la’aan kama aysan noqon Tottenham intii uu maamulayay Arsene Wenger.

Pochettino ayaana wax guuldaro ah kula kulmim afartiisii kulan ee Premier League ee north London derbies mana jiro macalin Spurs oo shaki kulan oo xiriir ah guul ka ilaaliyay Arsenal.

Kooxda goolka koowaad dhaliso kulamadaan ayaana wax guul ah gaarin 23 kii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier League (15 barbar iyo 8 guuldarooyin).

Gunners ayaa ugu yaraan hal gool dhalisay 42 kamid ah 43 kulan ee ugu danbeeyay ee ay la ciyaareen Tottenham dhamaan tartamada.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Cech, Bellerin,Koscielny, Mustafi, Monreal, Xhaka, Cazorla, Ozil, Walcott, Iwobi, Sanchez,

Lloris, Rose, Vertonghen, Dier, Walker, Wanyama,, Eriksen, Alli, Dembele, Son, Kane.

Comments

comments

SHARE