War Deg Deg Ah:- Tirada Dhimashada Iyo Dhawaaca Ka Dhacay Shil Gaadhi Ka Dib Soo Dhaweyn Loo Sameeyey Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani.

Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani AMB Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa waxaa ay saaka safar ugu baxeen gobalada galbeedka Somaliland gaar ahaan gobalka Awdal oo uu ka soo jeedo

Dadweynaha reer Awdal ayaa waxaa ay musharaxa kaga hor yimaadeen agaagaarka magaalada Kala-bayedh iyaga oo ku qaabilay soo dhaweyntii ugu balaadhneed ee abid loo sameey siyaasi ka soo jeeda deeganadaasi

Soo dhaweynta musharaxa ayaa waxaa ka dhashey khasaare isku jira dhimasho iyo dhawaac ka dib markii shil galay mid ka mid ah baabuurtii soo dhaweynsay gaar ahaan inta u dhaxeysa magaalooyinka Dila iyo Jili waxaana halkaasi ku dhintay hal qof halka mid kale na uu ku dhacmey

Comments

comments

SHARE