WARBIXIN: Kadib Heshiis Cusboonaysiinta Gareth Bale Iyo In Mushaarkiisa Si Wayn Sare Loogu Qaaday, Waa Kuwee Tobanka Ciyaartoy Ee Kubbada Cagta Aduunka Ugu Mushaarka Badani?

Gareth Bale ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis cusub oo lix sanadood ku sii hayn doonta kooxdiisa Real Madrid  wuxuuna ka mid noqday ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ugu mushaarka badan. Gareth Bale ayaa saxiixay hesiis dhacaya June 30,2022 kaas oo todobaadkii ku qaadan doono £346,000 kun oo gini isaga oo sanadkii u xaadiri doona 18 milyan oo gini.

Laakiin Gareth Bale ayaa wali dhinaca mushaarka kaga hooseeya xidiga ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ka tirsan kooxda Barcleona. Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa todobaadkii mushaar ahaan u qaata £365,000 kun oo gini halka sanadkii ay akownkooda ku dhacdo 19 milyan oo gini. Ronaldo iyo Messi ayaa wali sii ah labada xidig ee kubbada cagta aduunka ugu mushaarka badan.

Laakiin Gareth Bale ayaa kaalinta saddexaad ka soo galay xidigaha mushaarka ugu qaalisan kubabda caga ku qaata.Lacagaha Gareth Bale, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ah lacagta ayna ku jirin cashuurtu iyada oo haddii cashuurta lagu daro ay Messi iyo Ronaldo sanadkii qaataa min £34.5 milyan gini halka Bale ay noqonayso 32.7 milyan gini sanadkii balse waxaa laga goynayaa boqokiiba 45% oo ay cashuurta dalka Spain.

Waxaa kaalinta saddexaad ku jira xidiga ree Brazil ee Hulk kaas oo ka tirsan kooxda ree China ee Shanghai SIPG kaas oo todobaad kasta u xaadira 317,000 kun oo gini isaga oo sanadkii mushaar ahaan u qaata 16.5 milyan gini, waxaana shanta ciyaartoy ee kubbada cagta ugu mushaarka badan dhamaystiray Paul Pogba oo Man United ka tirsan kaas oo todobaadkii jeebka ku shubta £290,000 kun oo gini halka sanadkii uu u xaadiro 15 milyan oo gini.

HAKAN KAGA BOGO LIISKA 10 KA CIYAARTOY EE KUBBADA CAGTA ADUUNKA UGU MUSHAARKA QAALISAN:

1= Cristiano Ronaldo (Real Madrid) £365,000 kun gini todobaadkii,  £19m Sanadkii *

1= Lionel Messi (Barcelona) £365,000 kun gini todobaadkii, £19m Sanadkii*

3 Gareth Bale (Real Madrid) £346,000 kun gini todobaadkii, £18m Sanadkii*

4 Hulk (Shanghai SIPG) £317,000 kun gini todobaadkii, £16.5m Sanadkii

5 Paul Pogba (Manchester United) £290,000 kun gini todobaadkii, £15m Sanadkii

6 Neymar (Barcelona) £289,000 kun gini todobaadkii, £15m Sanadkii *

7= Graziano Pelle (Shandong Luneng) £260,000 kun gini todobaadkii, £13.5m Sanadkii

7= Wayne Rooney (Manchester United) £260,000 kun gini todobaadkii,£13.5m Sanadkii

9 Zlatan Ibrahimovic (Manchester United) £250,000 kun gini todobaadkii, £13m Sanadkii

10= Sergio Aguero (Manchester City) £240,000 kun gini todobaadkii, £12.5m Sanadkii

10= Yaya Toure (Manchester City) £240,000 kun gini todobaadkii, £12.5m Sanadkii

FIIRO GAAR AH: Dhamaan ciyaartoy kasta oo aad mushaarkiisa ku hor aragto calaamada  cidigta ee ‘*’ Waa ciyaartoyda ayna lacagtooda cashuurtu ku jirin, iyada oo ciyaartoydani ay ku kala duwan yihiin lacagaha gunooyinka ah ee aan mushaarkooda ka tirsanayn.

Comments

comments

SHARE