War Deg Deg Ah: Cali Khaliif Galaydh Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Wadahadalo Qarsoodi Ahi Uga Furmay Huteelka Radisson Blu, Ee Addis Ababa.

Siyaasiga horjooga ka ah Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Waftigii Xukuumadda Somaliland ayaa Shir qarsoodi ah oo aan la shaacin wuxuu hadda uga furmay Huteelka Radisson Blu, oo ku yaala Magaalada Addis ababa.

Cali Khaliif Galaydh oo ballan hore kaga yimi Garaadada Gobolka Buhoodle oo uu hoggaaminaayo Garaad Cabdirisaaq Soofe, ayaa ballantaasi ay ahayd in wadahalka uu la furaayo Xukuumadda Somaliland ay noqon doonaan qaar loo dhanyahay oo lagu qaban doono gudaha dalka. Balse shirkan hadda uga furmay isaga iyo Xukuumadda Somaliland magaalada Addis ababa oo aan la shaacin una muuqda inuu qarsoodi yahay ayaa loo qaadan kara inuu gogol xaadhu yahaya wadahalo ka qabsooma gudaha dalka.

Xubnaha Wadahadalka u matalaayay dhinaca Somaliland waxaa kamid ah, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, halka dhinaca Cali Khaliif ay ku wehelinayeen saddex xubnood oo ka tirsan Kooxda Khaatumo.

Dhinaca kale warar xogogaal ah oo Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com ka heshay dhinaca Kooxda Khaatumo, ayaa sheegaya in Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ku heshiiyeen inay sidii laba Dawladood u wada hadlayaan in kasta oo aanay ka hadlin dhinaca Xukuumadda Somaliland.

Comments

comments

SHARE