Salaadiinta Beesha Subeer Awal Oo Kulan Aan Ujeedkiisa La Gareen Maanta Fooda Isku Daray Musharax Jamaal Cali Xussen Iyo Dareenada Ku Xeeran

Qaar Ka mid ah salaadiinta Beesha Suber Awal ayaa waxaa ay maanta  kulan adag oo macnihiisa la garneen waxaa ay fooda isku dareen musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID aqoon yahayan Jamaal Cali Xussen .

kulankan oo maanta ka dhacay xarunta dhexe  ee xisbiga UCID ayaan la gareen wax yaabahay ay ka wada hadleen saladiinta iyo musharaxu , Jamaal Cali Xussen oo ay saxaafadu  arimahaasi wax ka weydiisayna waa uu  ka gaabsadey oo  lamuu hadal saxaafada.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegaysaa wakhti ay soo baxayaan warar sheegaya in musharax Jamaal Cali Xussen heshiis qarsoodi ah la galay xisbiga Kulmiye  kaas oo odeyaaasha beesha Suber Awal iyo gacansatada beeshaasi cadaadis ku saartey in uu musharax nimadiisa uga tanaasulo Muuse Biixi Cabdi

 

Comments

comments

SHARE