Somaliland: Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Gudoomiye Cirro Ku Xujeeyay Fasiraada Erey Suuqdi Ah Uu Ku Duray Iyo Siyaasi Xirsi Cali Oo Uu Mar Kale Diirka ka Siibay.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa Guddoomiyaha aqalka wakiiladda,ahna Murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ugu baaqay inuu ummadda u sharaxo erey suuqdi ah oo ka baxsan lahjabada madaxda iyo diblomaasiyadda oo ku jiray jawaab uu ka bixiyay hadalkii Wasiirka warfaafinta.
Wasiirka warfaafintu waxa kale oo uu sheegay in Xirsi Cali Xaaji Xasan, ay u hadhay oo kaliya inuu gacan yareyaashiisii ku sheego madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.
Wasiir Cadaani, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaanu hadallada ka soo yeedhay masuuliyiinta xisbiga Waddani ku tilmaamay aflagaado iyo hadallo meel ka dhac ah. “Musharraxa WADDANI waxa uu yidhi askar dooni mayno, arrimaha aanan fahmin ayay ka mid tahay askartu waa kuwii dalkan xoreeyay, waxa ka mid ahaa Lixle, Xasan Saleebaan, Aadan Shiine, Koodbuur, Harag waafi iyo Ina Askar, yaa maanta tirin kara inta rag innaga maqan ee naftoodii u huray qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

In yar ayaa ka sii nool maanta ragii oo ay ka mid yihiin Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed, raga noocaas ah ee dalkan xoreeyay ayay ahaayeen askartu. Waxa kale oo ay yihiin askartu ragga maanta uu qarankani ku seexdo kuna soo tooso. Qiime weyn oo aanay cidina goyn karin ayay qarankan ugu fadhiyaan askartu,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.
Mr.Caddaani waxa uu sheegay in inta badan madaxda adduunku ay soo mareen askarinimo oo ay xoreyntii dalkooda ka soo wada qeyb qaateen, waxaanu ka carabaabay halgameyaashii Maraykanka iyo Faransiiska ee ay ka mid ahaayeen George Washington iyo Charles de Gaulle.

“Laba arrimood ayuu is raaciyay Cirro, oo ahaa askari looma baahna iyo beesha caalamka oo la caayo uma baahnin, anigu odhan maayo been buu sheegayaa oo waa nin weyn oo qaranka xil u hayee, malaha wuu iloobay baan u maleynayaa laakiin haddii uu ilaabayo khudbadii uu shalay jeediyay siduu kursiga ku tagayaba garan maayo,”ayuu Wasiirka warfaafintu ku iftiimiyay doodiisa.
Dhanka kale Wasiirku isaga oo ka jawaabayay hadalkii Guddoomiye Cirro ee ahaa in Wasiir Caddaani jecel yahay Madaxweynaha Somaliland, waxa uu yidhi “Waxa uu sheegay inaan madaxweynaha jecelahay, hase ahaatee waxaan moodayay in isaga laf ahaantiisu madaxweynaha jecel yahay, ummada oo dhanna ay jeceshahay, madaxweynaha Somaliland oo qarankan u soo halgamay, aniguna waan jecelahay madaxweynaha oo ummada uun baan kala mid ahey , waxa Cirro ka soo yeedhay hadallo aflaagado ah oo aanan garaneyn oo ah Cadaani wax kale ayaa lagu sheegayay, markaa isaga uun baa ummada Somaliland u sheegi doona waxay tahay. Waa run oo wuxuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro, Caddaani beenta ma yaqaanno waa runtii taasi oo beenta ma aqaano.”
Sidoo kale Wasiirka Warfaafintu waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay jawaab ka soo yeedhay Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo sheegay in xiligii uu jidka Ceerigaabo ka shaqeynayay uu Wasiir Cadaani gacan yare u ahaa.

“Marmar ayaad yaabaysaa Xirsi, Aniga ayuu ii markhaati furay oo intii aan ku sheegay uun buu ka hadlay oo shalay (Isniintii) ayuu inyar kaga soo daray oo uu yidhi Madaxweynaha ee hadalkiisii hore oo konton daqiiqo ahaa isaga uun baa lahaa ‘aniga’ oo aanu meelna kaga soo darin lacagtii deyntii afarta milyan ahayd ee aan la garanaynin waxay ku baxday.waxay arrintani ku tusaysaa inaanu wadciga dalkan fahmin marka uu leeyahay Wasiir isaga la mid ahaa ayaa gacan yare ii ahaa,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, waxaanu intaas ku daray “Somaliland-ney ha yaabina waxa qudha ee u dhiman Xirsi, Caddaani waa salleelee, inta uu odhanayo madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku aniga ayay gacan yare ii ahaayeen.”
Isniintii toddobaadkan ayuu Wasiirka warfaafintu shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga hadlay qoddobo kala duwanaa oo uu ku naqdiyay siyaasadda xisbiga WADDANI, taasi oo dhalisay in Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan ay isla saacado gudahoodba jawaab deg deg ah ka bixiyeen, taasi oo muujinaysa sida hadalka Wasiirku khal-khalisada ugu riday Madaxda xisbigaas mucaaridka ah.

Comments

comments