Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga Oo Soo Bandhigay Qorsheyaal Ay Wasaaraddiisu Ugu Talo-gashay Jillaabashada Kalluunka Dalkeena

Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan, Waxaa Uu Magaallada Berbera Ka Furay Mashruuc Lagu Horumarinayo Kalluumaysiga Dalka

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda JsL Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan Ayaa xarunta jaamacadda culuumta badda ee magaallada Berbera ka furay tabobar lagu dersayo sidi loo horumarin lahaa mashaariicda kalluumaysiga ee xeebaha dalkeena. Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga oo ay Weheliyaan madaxda heer gobol iyo degmo ee gobolka Saaxil oo maalintii Sabtidii ka qayb galay tabobarkan ayaa ka hadlay qorsheyaasha ay wasaaradiisu ugu talo gashay in ay ku horumariso hawlaha kalluumaysiga ee dalka. Waxaana uu sheegay sida loogu baahan yahay islamarkaana ay lama huraanka u tahay sidii loo dardar gelin lahaa tabobarrada kalluumaysiga ku saabsan, isagoo hoosta ka xarriiqay siyaasadda ay wasaarad ahaan ugu tallo galeen in lagu xoojiyo horumarka kalluumaysiga “ Run ahaan waxaa farxad ii ah inaan idiinla wadaago tabobarkan oo noqon doona mid muddo soconaya, balse aanu ahayn mid laba maalmood iyo saddex maalmood soconaya, si looga faaiidaysto casharrada tabobarkan lagu bixinayo, waxaa muhiim ah inaad ka faa;iidaysataan.” Sidaas ayuu yidhi Dr. Fu;aad Cabdisalaan, Xaaji Xasan. Waxaanu intaa ku daray “ qorsheyaasha ay wasaaradda kalluumaysigu ku dadaalayso waxaa kamid ah in la helo qalab kalluumaysi oo kalluumaysatada u sahlaya jillaabashada kalluunka iyo marka la soo qabto qalabka u sahlaya suuq geyntooda”. Sidoo kale madax kala duwan oohalkaasi ka hadashay ayaa si isku mid ah u muujisay sida ay muhiimka u tahay madashan oo kale ka faaiideysigeedu.

Comments

comments