Ciyaaryahan Horyaalka Ingiriiska ka caan ah oo sheegay sida uu ugu dhegsan yahay Diinta Islaamka iyo in uu dhawaan Xajka tagi doono

Daafaca kooxda Arsenal Skhodran Mustafi oo lala barbardhigay inuu yahay Tony Adams-ka cusub ee kooxda Gunners ayaa jariirada Jarmalka ee Bild waxa uu kala sheekeystay muhiimada ay diintiis Islaamka u leedahay noloshiisa.

Mustafi oo lagu yaqaano inuu yahay nin si weyn ugu dhegan diinta Islaamka ayaa hoosta ka xariiqay inw axa ugu weyn ee uu dunidaan u saaran yahay inay tahay inuu shaqeysto sidii uu janno ku geli lahaa, waxaana uu xusay in hal maalin oo ciyaar xun ay soo marto inaysan aheyn dhamaadka dunida.

“Inaan Muslim ahay muhiimad weyn ayay ii tahay, waxa ay iigala muhiimsan tahay wax walba oo kale, inkastoo mararka qaar marka aan safrayo ay igu adag tahay inaan salaada tukado waqtigeeda.” ayuu Mustafi u sheegay Bild.

“Tartankii qaramada Yurub dhibaato ayay ii aheyd, sababtoo ah waxaa la ciyaarayay bartamaha Ramadan, macquulna iima aysan aheyn inaad xadido raashiinkeyga iyo cabitaankeyga.

“Laakiin madaama aan ahay ciyaaryahan waan ogaa in waqtigaas oo kale aysan macquul ii aheyn inaan soomo.

“Si weyn ayaan u bartay Qur’aanka laakiin waxaan sidoo kale bartay diimaha kale.

 “Diinteyda micno weyn ayay ii leedahay aniga iyo waayaheyga ciyaareedba. Wax badan ayay i caawisaa.

“Waxaan ahay bani’aadam sida dadka dunida saaran oo dhan waxaana u dadaalayaa jannada.

“Waa howsheyda iigu weyn. Haddii aan si xun u ciyaaro ma ahan dhamaadka dunida.”

Mustafi oo asalkiisa Albanian uu yahay ayaan aheyn ciyaaryahanka kaliya ee Muslim ah ee ku jira kooxda Arsenal, Mesut Ozil ayaa isna booqday magaalada Barakeysa ee Makkah xagaagii, waxaana Mustafi uu sheegay inuu ku riyoonayo inuu soo guto waajibaadka xajka.

“Maalin ay tahayba aniga xitaa waan aadi doonaa halkaas.

“Qof walba oo Muslim ah waa inuu xajiyo ugu yaraan hal jeer noloshiisa haddii uu awoodo, sidaasi darteed waa hamigeyga ugu weyn inaan soo xajiyo.”

Mustafi ayaa intii uu Valencia joogay waxa uu soo bandhigay sida uu ugu dhegan yahay diinta Islaamka, shir jaraa’id oo uu mar qabanayay ayaa waxaa la soo hordhigay dhalo qamri ah oo ay kooxdiisa xayaysiineysay, waana uu diiday inuu hadlo ilaa iyo laga ag qaado.

Comments

comments