Somaliland: Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday, Is-Bahaysiga KULMIYE Oo Maalmaha Soo Socda WADDANI Ku Biiraya Mase Dhabbaa In Maxamed Biixi Ka Dhex Tartami Doono WADDANI?

540

Siyaasiyiin Maxamed Biixi Yoonis Kusoo Dhaweeyey Madaarka Hargaysa Iyo Wada Hadaladii labada Dhinac Oo Is-Af-garad Ku Dhaw

Garabka Dimuquraadiga Is-bahaysiga Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda si rasmi ah ugu biiraan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI kadib markii wajiyadii ugu dambeeyey uu soo gaadhay wada hadalo muddo badan u socday hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI kaasoo ugu dambayn warar xog ogaal ahi sheegayaan in uu soo gaadhay ammintii si rasmi ah loo muddayn lahaa wakhtiga rasmi ahaan garabkaasi cududooda siyaasadeed kula midoobi lahaayeen Xisbul Mucaaridka WADDANI lana filayo in loo xafladeeyo badhtamaha wiiggan innagu soo aaddan.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola wada hadaladii labada dhinac muddoda dheer u socday ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in labada dhinac is af-garad buuxa inta badan ka gaadheen mabaadii’dii lagu wada hadlay iyada oo la filayo in siyaasiyiinta ugu tunka weyn Garabka Is-bahaysiga Dimuquraadiga xisbiga KULMIYE xilal sare iyo mansabyo waaweyn ka qaban doonaan Mustaqbalka xisbiga WADDANI taasi oo la filayo in ay saamayn weyn iyo miisaan siyaasadeed oo culus ku biiriyaan maadaama garabkaasi ka mid ahaa tiirarkii xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda SIILAANYO sidoo kalena ay xubnaha ku bahoobay kasoo kala jeedaan deegaamo kala duwan oo xisbiga KULMIYE ku xoogganaan jiray si weyna looga taageeri jiray.
Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo Saraakiisha Is-bahaysiga Dimuquraadiga KULMIYE ayay xogaha FOORE helay tibaaxeen in ay badi ka soo gudbeen wajiyadii hore ee is fahamka iyo wada hadalka iyaga oo dhawaanahan la isla qaatay qaybihii ugu dambeeyey wada hadalkooda iyo nuxurka ajandayaashii ay ka wada hadleen oo intooda badan la xaqiijiyey in ay is af-garad buuxa ka gaadheen.
Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah xubnaah is-bahaysiga Dimuquraadiga KULMIYE oo shalay casar gaabkii ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ayaa xogo aan la shaacini tibaaxeen in uu damacsan yahay in uu xisbiga WADDANI iska soo sharraxo iyada oo aan la ogayn siyaasad ahaan halka arrinkaasi salka ku hayo maadaama imika uun la filayo in uu xisbigaasi ku biiro laba wiig wax ka yarna kadib la filayo in uu qabsoomo shirweynihii dhexe ee xisbiga WADDANI oo lagu soo xulan doono musharraxiinta xilka Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee xisbiga WADDANI.

Comments

comments