War Deg Deg Ah: Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Waddada U Dhaxaysa Hargeysa Iyo Gabiley.

438

Laba Qof ayaa ku Dhintay Shil baabuur oo shalay Galinkii hore ka dhacay Waddada u dhaxeysa Hargeysa Iyo Gabiley.

Muuqaalo gargax badan oo lagu baahiyay Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ayaa waxaa ka Muuqday laba Nin oo Mayd ah Islamarkaana uu la Dhacay gaadhi yar oo Nooca VITZ ah oo ay saarnaayeen.

Muuqaalka waxaa kale oo ka muuqday in Maydadka labadaasi nin uu gaadhi la dhacay Wakhti hore oo shalley ah islamarkaana dadka Waddada maraya aanay arkayn Gaadhiga waddada ka baxay ee rogmaday.

Ciidamada Taraafiiga iyo Dad Gurmad ah oo shalley goobta shilku ka dhacay tagay mar dambe waxaa ay halkaasi ugu tageen Laba nin oo mayd ah.Askari ka mid ah ciidamada Booliiska iyo dadkii Goobta tagay ayaa sheegaya in Gaadhiga dhacay uu ka mid ahaa gaadiidka Jaadka kasoo qaada Magaalada Wajaale.

Ciidamada Nabadgalyada wadooyinka Somaliland Wali wax war ah kama soo saarin Shilkan, balse waxaa inta badan soo noqnoqda Shilalka Gaadiidka yaryar ee VITS.

Comments

comments

SHARE