Hadal haynta ugu badan warbaahinta Caalamka ayaa waxa ay noqotay Haweeneey xiran Jalbaab ama Niqaab oo isku soo sharaxday doorashada mid ka mid ah dalalka Yurub taas oo codad badan kaga soo baxday Gobolka ay ka soo jeedo .

Indira Sinanovic waa Haweeneey u dhalatay dalka Bosnia waxeeyna ahaan jirtay Saxaafiyad si weyn looga jecel yahay dalkaas , balse dhawaan ayey dhanka Siyaasada ku soo biirtay waxaana laga soo doortay magaalada Zavidovici oo ay ku nool yihiin in ka badan 40.000 oo qof .
Indira Sinanovic ayaa Warbaahinta Caalamka u sheegtay hadii la doorto inay si cadaalad ah ku maamuli doonto qowmiyadaha ku nool dalka Bosnia kuwaas oo Diimo kala duwan heysta waxeeyna sheegtay inay xooga saari doonto gobolada ay ku nool yihiin Muslimiinta dalkaas kuwaas oo inta badan iyada u codeeyay tartankii ay ku soo baxday ee dhanka doorashada gobolada.

Comments

comments

SHARE