Ciyaar Adag Oo Caawa Dhex-mari Doonta Borussia Dortmund Iyo Real Madrid.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa caawa garoonkeeda Signal Iduna Park ku soo dhaweyneysa kooxda Real Madrid kulan ka tirsan wajiga labaad ee heerka guruubyada ee tartanka Champions League

Kulanka: Borussia Dortmund Vs Real Madrid

Saacada Geeska Afrika: 9:45 Daqiiqo

Garoonka: Signal Iduna Park

Falaanqeynta Kulanka:

Dortmund ayaa dooneesa inay sii joogteeso Rikoorka fiican ay ka heesato kulamada ay Real Madrid kula ciyaarto Garoonkeeda oo aysan marnaba Guul daro kala kulmin.

Naadiga Horyaalka Bundesliga ka ciyaarta ee Dortmund ayaa si fiican ku bilaabatay Xili ciyaareedkaan inkastoo ay la kulantay 1 guul daro halka Naadiga Macalin Zidane ee Real Madrid aan marnaba laga badin inkastoo 2dii kulan ee ugu danbeeyay Barbaro galeen.

Dortmund ayaa 4tii kulan ee ugu danbeesay dhalisay 20 gool halka Real na ay ku jirto Qaab ciyaareed fiican inta uu leelinaayo Macalin Zidane.

Real Madrid oo Dortmund Singal İduna Park ku garaacday waxaa ugu danbeesay kulan saaxiibtinimo oo 2da naadi ay ciyaareen 2009kii halka Dortmund 3dii kulan ee ugu danbeesay ee Marti qaado Real ay wada garaacday.

Real Madrid ayaa Xagaagaan lasoo wareegin ciyaar yahan cusub iyadoona ka faaiideesatay Da yarta kasoo baxa Naadigeeda 2aad halka Dortmund ay xagaagaan sameesay Saxiixyo aad u badan oo ay hogaaminaayaan Ciyaar yahankoodii hore Mario Götze iyo iyo Schürrle. Dormund ayaa 3 dhibcood ka hooseesa Bayern oo aan weli dhibco lumin dhanka Horyaalka Bundesliga Halka Real Madrid ay 1 dhibic ku heeso Hogaanka Horyaalkeeda.

Labada naadi ayaa kulankoodii 1aad Guul wada gaaray Dortmund ayaa 6 gool ku xaaqday Naadiga Legia Warszawa halka Real Madrid na ay 2-1 kaga badisay Naadiga reer Portugal Sporting goolashaas oo yimaaday dhamaadkii ciyaarta.

Comments

comments