Somaliland: “Waxa Haboonaan Lahayd In Waddani Uu Fahmo Dawladnimadu Sida Ay Tahay Oo Aanu U Fahmin Sida Ay Isaga La Noqoto” Maxamed X. Maxamuud

Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inaanu xisbiga Waddani sharciyan xaq u lahayn dacwad uu ka gudbiyo xukuumada iyo Baarlamaanka, isla markaana tilmaamayso aqoondarada madaxda xisbiga ka haysata nidaamka maamulka dalka.

Maxamed X. Maxamuud oo ah sharci-yaqaan madax ka ah waaxda daraasaadka Caalamka iyo Siyaasada ee jaamacada Warwick, ee carriga Ingiriiska ayaa warbixin dheer oo u faahfaahin kaga bixinayo sharci-darada dacwada xisbiga Waddani iyo qaabka hay’adaha dawlada u wada shaqeeyaan iyo dacwadaha Maxkamada Dastuuriga loo gudbiyo ku bilaabay:

Xisbiga Waddani dacwad ka dhan ah doorashada la kala qaaday ayuu u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah shalay. xisbigu dacwadda uu gudbinnayo kama gudbinnayo xisbi kale, amabase Guddida Doorashooyinka Qaranka oo dhexdhexaad u ah axsaabta, oo uu xaq u leeyahay in uu ka gudbiyo dacwaddo.

Xisbigu kama gudbinnayo dacwadda dhexdiisa, oo is qabsi siyaasi ah ama sharci ahi kama dhex jiro! Laakiin xisbigu waxa uu dacwadda ka gudbinnayaa saddexda dhadhaar ee qaranka laba ka mid ah. Haddaba inta aynaan dacwadda qallooceeda sharci u galin bal marka hore aynnu sharaxno saddexda dhadhaar ee qaranka iyo nooca dawladnimo ee Somaliland.

Somaliland waa dal Madaxtooyo (presidential system of governance), oo leh miisaan isku dheeli tiran oo u samaysan in ay xisaabtamaan. Miisaanka dawladnimo ee siman waxa ay kala yihiin:-

Gollaha Fulinta (Executive Organ/Branch), gollahan waxa hoggaaminaya Madaxweynaha oo ka masuul ah hay’aadka fulinta ee dalka oo dhan, sida gollaha wasiirrada oo u qaabilsan siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dajinta qorshaynta dhaqaalaha.Sidoo kale waxa Gollaha Fulintu hoos yimaada ciidanka, hay,aadka dawliga ah ee lacagta, ganacsiga, amniga iyo socdaalka.

Gollaha Sharci Dajinta (Legislative Organ/ Branch), gollahani waa gollaha shuruucda dalka lagu dhaqayo oo dhan lagu sameeyo. Sharci aan iyaga ka soo fulin oo aaney ogolaan ama aaney sameyn ma aha ansax. Sidoo kale miisaaniyadda qaranka, ansixinta saraakiisha dawladda, xilka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa wakhtiyada hawl-gudasho la’aan ama khayaano qaran.

Sidoo kale ansixinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah shaqo ka caydhintiisa iyo magacaabistiisa, ogolaanshiyaha istiqaalladda Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa, ansixinta heshiisyada caalamiga ah intaba iyaga ayaa u xilsaaran awood ahaan.

Gollaha Sharciga (Judiciary Organ/ Branch), waa gollaha u xilsaaran tafrsiirka shuruucda dawladda iyo dalka ee dastuuriga ah (interpretation), isla markaana ku waajibbiya hay’aadka dawladda in ay sharciga dabbaqaan. Waxa kale oo uu xalliyaa dhamaan murannada sharciga ah iyo khilaafaadka dawladda iyo dalka intiisa kale.

Marka ay sidaa yihiin saddexda dhadhaar ee dawladdu, waxa ay su’aasha weyni tahay sidee ayey u wada shaqeeyaan ee ay qaranka ugu wada hawl-galaan?

Waxa ay u wada shaqeeyaan hab siman oo isku dheeli tiran (Checks and Balance), waxa kale oo ay leeyihiin awood qaybsan oo midba kaalintiisa in uu ka soo baxo ay tahay (Separation of Powers). Waxa ay u wada shaqeeyaan sida tan:-

Gollaha Fulintu waxa uu soo gudbiyaa wax la yidhaa ‘’bill of laws’’ waana qawaaniin aan wali ansax noqon oo ay rabto in ay dawladdu ku shaqeyso, si ay hawsha qaran ee saarran u fuliso. Shuruucdaasi waxa ay maraan aqalka hoose ee Wakiillada, haddii uu ka ansaxmo waxa ay u gudbaan aqalka sare ee Guurtida, si wax ka beddel iyo kaabis loogu sameeyo.

Marka uu halkaa ka gudbo ‘’bills of laws’’ waxa ay noqdaan sharci iyo xeerar awood u siinaya dawladdu in ay hawl maalmeedka shaqo u adeegsato. Sidoo kale xeerar laga dheegay dastuurka oo inta badan ka madaxbannaan xukuumadda ayaa ay sameeyaan Wakiilladu marka loo baahdo. Si la mid ah sidii hore aqalka sare ee Guurtida ayey maraan, waxa se ay u baahan yihiin in madaxweynuhu saxeexo (ratification of the president).

Si ka duwan sidaa ay u wada shaqeeyaan labadaa golle sharci iyo kan fulinneed ayey Maxmadda Sare ee Dastuuriga ahi ula shaqeysaa labada golle ee dhiggeeda ah. Maxkamaddu waxa ay kaliya ammuurahooda sharci ay soo faro-gashan kartaa marka ay hawlahani soo food-saaraan kaliya:-

Haddii khilaaf sharci hawleed soo dhex galo gollayaasha qaranka ee sharciga iyo fulinta, Maxkamaddu iyada oo awooddeeda dastuuriga ah adeegsaneysa waxa ay tafsiir ka bixisaa sharciga keenay khilaafka. Sida ayaaney ku kala hulleelaan labada golle iyaga oo u hoggaansan tafsiirka sharci ee Maxkamaddu go’aamisay.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu tafsiir iyo go’aamo sharci ka soo saartaa, wax kasta oo kale oo labada golle midkood ama si wada-jir ah ugu gudbiyaan ka dib marka ay u arkaan in tafsiir ama go’aan sharci ah oo dastuuri ah loo baahan yahay. Hawl aan intaa ahayn Maxkamaduu kuma leh gollayaasha qaranka oo iyadu sharcina ma sameyso, fulinna dastuurku uma waajib yeelin.

Haddaba haddii ay sidaa tahay waa maxay dacwaddan uu Xisbiga Waddani u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah? Ma tahay dacwad sharci ah oo uu qiil u leeyahay? Ma habboon tahay se in uu xisbigu fahamsanaado nidaamka dawliga ah ee dalka uu ka rabo in uu xukunka hoggaaminta u qabto?

Ka hor inta aanan su’aallahan ka jawaabbin, marka hore Maxkamaddu yey u garnaqdaa? Maxkamaddu waxa ay u gar naqdaa gollayaasha baarlamaanka iyo gollaha xukuumadda. Sidoo kale maxkaddu waxa ay u garniqi kartaa axsaabta qaranka sida dacwadda UCID ee hadda la taal.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu ka garniqi kartaa dacwaddaha nooc walba leh ee ganacsiga, go.aamada dilalka iyo kuwa dadweynaha ama shariikadaha dhex yaal. Maxkamaddu uma garniqi karto xisbi qaran iyo gollayaal qaran. Waddani se waxa uu rabaa in ay isaga oo xisbi ah iyo Wakiillada iyo Madaxweynaha oo dhan ah loo garnaqo, eesh calaa xisbi.

Aan u soo noqdo jawaabbaha su’aallaha kor ku xusan. Xisbiga Waddani waxa uu gudbiyey dacwad aan nooceeda hore loo arag oo ku socota dawladda Somaliland oo wada jirta (Wakiillo iyo Madaxtooyo). Dawladnimada ayaa nidaam xisbiyo ah innoo sameysay, shuruucda dalka iyo kuwa xisbiyada ay ku jiraan dawladnimada ayaa sameysay.

Marka ay sidaa tahay, waxa ay la mid tahay abuur ka dacwoonaya ciddii abuurtay. Waxa habboonaan lahayd in Waddani u fahmo dawladnimada sida ay tahay, ee aannu u fahmin sida ay isaga kaliya la noqoto. Madaxweynuhu labada doorasho ee uu kala qaaday waxa uu u maray sifo sharci ah.

Waxa uu qabtay codsi axsaabta uga yimid oo kalsooni ku siinaya in uu go’aan rasmi ah oo kama dambeys ah ka gaadho sida xal loogu heli karo saami-qaybsiga Wakiillada. Go’aanka uu ku kala qaaday waxa uu ku sababbeeyey waxa kalifaya in uu sida tan yeelo. Isla markaana, waxa uu u maray sidii sharcigu dhigayey oo Gollahii Wakiillada ayuu u gudbiyey.

Hadda go’aanku ma aha go’aan Madaxweyne ku kali ah ee waa go’aan laba golle oo sharci ah oo dalka saddexdiisa dhadhaar ka mid ahi isku waafaqeen. Sida muuqatana dadweynuhu aaney si guud uga hor iman. Maxkamaddu shaqo sifo sharci ah u meel martay ma daa’dafayn kartaa? Waa intaa inta uu garan kari la’yahay Waddani.

Suura-gal ma aha in ay Maxkamaddu ka hor iman karto hay’addo sharci, iyada oo tix-galinneysa xisbgi hay’addaha sharcigu abuurreen oo si aan sharci ahayn u dacwoonaya. Waxa aan u soo jeedin lahaa axsaabteena qaranka in masuulliyiintiisu bartaan habka dawladnimadu u shaqeyso, haddii kale adduunyada balaadhan ee aynnu ka midka nahay ayaa aad innoogu qosli. Haddaba ha barteen masuulliyiinta dacwadda gudbiyey e, go’aan baarlamaan kaliya laba jeer ayaa laga hor iman karaa:-

in Madaxweynuhu diiddo oo uu daa’dafeeyo isaga oo isticmaallaya awoodda diidmo (Veto) ee dastuuriga ah, oo uu la kaashanayo Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah. Arrintani hore ayey innoo soo martay 2005 oo Madaxweyne Rayaale ayaa sameeyey oo ku kala diray Gollihii Wakiilladdii ka dib markii ay Maxkamddu ku waafaqday.

Marka labaad ee laga hor iman karo go’aan baarlamaan waa marka ay shacabku si baaxad weyn uga hor yimaadaan oo ay muddaharaaddo waaweyni is qabsadaan. Hadda se labadaa midna ma hayno, waliba waxa intaa dheer in xaalku aannu ahayn golle barlamaan e, uu madaxtooyadduna ay ku wada socdaan. Waddani oo guddoomiyihiisu yahay hor-jooggaha aqalka Wakiillada, waa uu og yahay runta iyo xaal sida uu yahay e, waa uun la is yeelyeellayaa.

Comments

comments

SHARE