Maxaa U Diiday Marwada Soomaaliyeed In Aay Ninkeeda Raaliyo U Noqoto?

Waa hadal inta badan ee bulshadeena kamid ah aay aaminsantahay, hadii aan laga takhalusin hadalkaas waxaa sii badanayo furiinka sooomaalida u dhaxeeyo, eraygaas dartiisna maalin weliba qoysas soomaali ah aan lasoo koobi karin ee dunida kukala sugan ayaa ku kala tago.

Maxeey tahay sababta Rag Iyo Dumar loo kala aaminsanyahay waxyaabaha qaladka ah, dumarka intooda badan ayaa aaminsan in hadii ninka raalliyo loo noqdo in uu xadkiisa gudbiyo welibana ku tumanayo xaaskiisa, ama lamaanihiisa.Fikradaas hadaad aaminto waxey sababtaa khilaad faro badan oo dhexdiina soo galo, mar welibana waxaad noqoneysaan dad aan isku qanacsaneyn, taasi waxey dhib u noqon doontaa barbaarinta ubadka, hadii aad sidaa aaminsanaatana waxaa dhaceyso in ubadka oo idin maqlayo aad agtiisa ku doodi doontaan, taasina waxey cuqdad ku beertaa ubadka.

Run ahaantii waa fikrad aad u qaldan oo aay aaminsanyihiin dumar faro badan, halka raga qaarna aay aaminsanyihiin dumarka hadii leysku jilciyo in aay kugu tumanayaaan, oo aay haboontahay in mararka qaar laga maseersiiyo. Ma ogtahay ninyahoow xaaskaaga keliya hal habeen oo aad duudkaada xijiso xiliga jiifka, taasi iney ugu darantahay wax kasto, ninyahoow ogoow in xaaskaaga aad u jajabnaato aay dhisi karto horumarka qoyska iyo in sedaxeeye uu qadka kabaxo.

macquul ah intaad ku fikireeyso dumar looma jajabnaado in sedaxeeya idinka faaideysto, oo uu dhexdiina colaad dhigo.

Ma ogtahay waxa furiinka bulshadeena ku badiyay ineey kow katahay dumarka iyo raga oo kala aaminsan hadii loo jajabo lamaanahaaga waa kugu tumanayaaa, taasoo yareyso jaceylkii leysku qabay ee leysku soo guursaday.

Guryo faro badan oo soomaali ah ayaa lagu soo dhisay kalgaceyl, kadib markii leys guursadayna si deg deg ah ku burburay, taasi waxaan dhihi karaa waxa ugu horeeyo ee sababo ayaa ah fikrada dhalinyarada soomaaliyeed maskaxdooda kaguuxeyso.

Ogoow hadaadan maskaxdaada kabaabi;in fikrada ah lamaanahaaga raalli looma noqdo in wax badan burburayaaan, nafta wixii labaro ayey kudhaqmeysaaa, mar weliba sidaad isku leedahay ha ujajabin ayaa marka danbe heer waxaad gaareysiin aad iloowdaan xiligii idiin kugu danbeysay ee si kalgaceyl ah aad isku dhahdaan Waan Ku Jeclahay.

Waa jirtaa in hadii lamaanahaaga uu kaa dareemo jiljileec badan uu kugu tumanayo, lakin jaceyl iyo naxariis badan oo lagaa dareemo waxey horsed u noqotaaa qeyska, keliya joogteyso naxariista aad lamaanahaaga u muujineysid.

Adigoo xad dhaaf u jeceyl haddana kamaarmin waayahayee maxaa kuu diiday inaad dareenkaaga soo bandhigatid oo aad u muujisid, intaad isleedahay lamaanahaaga raalli looma noqdo, mustaqbalkaaga yuu lumin, labada qofood ee is qaba waa in aay naxariis iyo daacadnimo isku wada muujiyaan si qoyska u ahaado mid tiir adag.

Adigoo xiliga aad aflaamta daawaneysid ama aad heesaha dhageeysaneysid aad kuxasuusaneysid lamaanahaaga, haddana filmka wuxuu rabo haku saabsanaadee markaad daawaneysid waxaa xaqiiq ah inaad lamaanahaga uun kusoo xasuusaneysid, adigoo sidaa u xasuusanayo uguna fikirayo maxaa kuudiiday inaad dareenkaas soo bandhigto oo lamaanahaaga aad lawadaagto.

Ugu danbeyntii shabakada kobciye.com waxeey ku leedahay xusuusnoow lamaanahaaga sida aad adiga kadhigato ayuu agtaada ka ahaanayaa hadaad isdhahdo, maxaad ugu jajabnaaneysaa waa kugu tumanayaaa, waa run waa kugu tuman doonyaaa, balse hadad isdhahdo daacadnimada iyo jaceyl xad dhaaf ah aad u muujiso waxey sababeysaa kalgaceyl dheeraad ah, haaa waa runtaa sidaas ayey kuu noqoneysaa, ogoow wax walbo waa sida aad adiga kadhigato.

Comments

comments

SHARE