Mid Ka Mid Ah Masaska Adduunka Ugu Dhumuc Weyn Oo Lagu Dilay Beer Uu Leeyahay Madaxweyne Afrikaan Ahi

Mas aad u wayn oo dhererkiisa lagu qiyaasay illaa 6 mitir ayaa lagu dhex dilay beer uu leeyahay madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.
Waxaa beertan ay ku taala degaanka Kisozi oo ka tirsan gobolka bartamaha Gomba sida uu ku waramay wargayska Daily Monitor ee ka soo baxa wadankaas.
Boolis ilaalo ka ahaa beerta ayaa toogtay markii uu masku isku dayay inuu galo beertan oo Museveni uu ku dhaqdo lo’da geesaha leh.
“Maska aad ayuu u weynaa, khatar iyo argagax ayuu na geliyey taasina waxay keentay inaan hal xabbad madaxa kaga dhufano labo kalana qaybaha kale” ayuu yiri askari ka tirsanaa booliska ilaalinayey beertan oo sharaxaad ka bixinayey sida ay wax u dhaceen.
Saddex ruux ayaa la xiray todobaad ka hor kaa dib markii lagu eedeeyay inay xadeen lo’da Museveni uu ku xanaaneeyo beertan.
Museveni wuxuu beertaas ku xanaaneeyaa lo’da geesaha dhaadheer ee ay dhaqdaan qabiilkiisa Banyankore.

Comments

comments

SHARE