Nin Yuhuudi Ah Oo Magan Gelyo Siyaasadeed Waydiistay Xukuumadda Falastiin Oo Cadho Abuuray!!!

Nin Dhallinyaro ah oo u dhashay wadanka Israel ayaa Magangelyo siyaasadeed waxa uu waydiistay dawladda wadanka Falastiin kadib markii uu isu soo dhiibay Ciidamada Ammmaanka xukuumadda Falastiin ee magaalada Tulkaram bishii March ee aynu soo dhaafnay 11keedii, sida ay ku soo warramayso wakaaladda wararka ee Maca. Ninkan ayaa ciidamada uu isu soo dhiibayee Falastiiniyiinta ah waxa uu ka codsaday ilaalin nafeed oo Magangelyo ah in la siiyo si uu naftiisa iyo noloshiisaba ammaan ugu helo uu ku noolaado aan cabsi lahayn. Andrea Beneron oo da’diisu tahay 23-jir ayaa buuq ka dhaliyay gudaha wadanka Yuhuudda kadib markii saxaafaddu shaacisay warka ku saabsan in uu isu dhiibay Falastiin isaga oo waliba waydiistay Magangelyo siyaasadeed. Wararka la xidhiidha arrinka ninkan Magan gelyo doonka ah ayaa sheegaya in tallaabada uu ninkani qaatay ka dambaysay isaga oo la sheegay in muddo laba sano ahba lagu xukumay in aanu dalka Israel dibaddiisa uga bixin, xukun ku dhacayna waxa uu tilmaamayaa in Andrea aan loo ogolayn in uu safar dibadeed dalkiisa kaga baxo. Andrea oo ah Yuhuudi haystay dhalasho wadanka Ruushka ah ayaa hooyadii muddo 20 sanao ah kula noolaa deegaanka Xayfa ee wadanka Israel isaga oo saddex jirkiisii ay ehelkiisu ka soo guureen Ruushka kuna soo noqdeen wadanka Israel ee uu u dhashay. Ninkan Magan-galyo doonka ahi waxa uu wakaaladda wararka Falastiin iyo tan Israel-ba u sheegay in nolosha wadanka Israel ku noqotay wax aanu ku noolaan Karin qarkana u saarnaa in mudo ah in uu qudha iska jaro oo is dilo. Isaga oo sababta keentay in uu Magal galyo waydiisto Falastiin ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Halkan ayaan ku barbaaray, waxa aan ku noolaa magaalooyinka Tel Aviv iyo Xayfa. Muddo badan ayaan silic ku noolaa, ammaankayga oo aan ahayn mid sugan darteed. Dhawr jeer ayaan ciidamada Israel kala kulmay handadaad iyo in ay igu dirqiyeen in aan is qoro askarta. Waan diiday waxaanan ogaaday in nolol halkan lagu qaataa ay adag tahay sidaa darteed aniga oo amnigayga iyo naftayda ilaalinaya ayaan qaatay go’aankan aan isugu soo dhiibay wadanka Falastiin”. Ciidamada Falastiin ayaa ninkan dejiyay guri ku yaalla Rammalah iyaga oo sheegay in ay maxkamad u gudbin doonaan dalabka ninkani ku soo dalbaday magan-gelyada siyaasadeed. Madaxweynaha wadanka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in dalkiisu soo dhawaynayo qof kasta oo Magan-gelyo siyaasadeed soo waydiista iyaga oo aan u kala eegayn dalka uu ka soo jeedo maadaama uu noloshiisa ula soo baxsaday si ay u tixgeliyaan heshiiskii Geneve ee Magan-gelyada siyaasadeed in dalalku siiyaan qofkii soo dalbada. Dhinaca wadanka Yuhuudda ayaa aad looga cadhooday go’aanka ninkani isugu dhiibay Falastiin oo cadaawad weyni ka dhaxayso.

Comments

comments

SHARE