Madaxweynaha Falastiin Oo Sidii Kornayl Qaddaafi Ilaaladiisa Gaarka Ah Ka Dhigtay Haween Kamandowsa

Inkasta oo ay dhammaan ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas Abu Maazim hore u ahaayeen askar rag ah oo Kumaandoos ah hadana waxa ay arrintaasi mar kali ah is badashay sannadkan 2016 kadib markii Madaxweyne Abu Maazim qortay Haween Kamaandoos ah oo noqon doona Ilaaladiisa Gaarka ah ee Madaxtooyada gaar ahaan kuwiisa gaarka ah inkasta oo uu hawlgalkan bilaabay sanadkii 2014. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Al-ahraam ee ka soo baxa wadanka Masar, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas (Abu Maazim) ayaa dabayaaqadii sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2015 waxa uu is badal weyn ku sameeyey guud ahaan nidaamka shaqo ee Xarunta Madaxtooyada wadanka Falastiin ee magaalada Raamallah, waxaana is badalkaasi ka mid ahaa kadib markii Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha loo diyaariyey 22-hablood oo Kumaandoos ah oo si gaar ah u tababaran kuwaasi oo markiiba hawshii Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha kala wareegay Askartii Ragga ahayd ee Ilaalada Madaxweynaha. Madaxweynihii hore ee wadanka Libya ayaa lagu xasuustaa Ilaaladiisii gaarka ahayd ee haweenka Kumaandoosta ah u badnaa, waxaanu Cabbaas sidaa ku noqonayaa hogaamiyihii labaad ee Carbeed ee samaysta Askar Haween ah oo aad u tababaran oo ilaalo ah. Nuur Dar Cumar oo ka mid ah kooxdan hablaha ah ee Kamaandoosta ah ee Madaxweyne Cabbaas Ilaalada ka dhigtay oo wargeyska Al-ahram la hadlaysay ayaa sheegtay in hablaha ilaalada ahi qaateen kana soo baxeen kulliyad ciidan oo gaar ah oo ku taalla dal ay qarisay Magaciisa oo ka mid ah dalalka ay saaxiibka yihiin reer Falastiin iyada oo sheegtay in shaqada ilaalada Madaxweynuhu tahay shaqo aad u culus iyana ay soo qaateen tababarro aad u adag oo Milatari kuna faraxsan yihiin in ay noqdaan kuwo Madaxweyne Cabbaas u doortay ilaaladiisa gaarka ah. Sarkaaladdan ayaa sheegtay in shaqadani aanay ahayn mid ragga u gaar ah oo aanay haweenku qaban Karin iyada oo si gaar ah ugu doodday in Haweenku ragga ka feejigan yihiin kagana wanaagsan yihiin ilaalada goobaha xasaasiga ah sida Ilaalada Madaxweynaha iyada oo sidoo kale sheegtay in Haween ahaan wakhtiga adag ee dalkoodu ku jiro ay masuuliyad weyni saaran tahay sidaa darteed ay noqon doonaan kuwo ragga tusa in ay shaqooyinka noocan oo kale ah kaga wanaagsan yihiin.

Comments

comments

SHARE