Somaliland: Hanjabaadda Uu Wasiir Xaashi U Diray Warbaahintu, Ma Qorshe Cusub Oo Madaxweynuhu Saxaafadda Ku Waajahayaa?

290

Saxaafadda madaxbanaan ee Somaliland ayaa si weyn uga gilgilatay hadalo hanjabaad iyo digniin isugu jira oo uu wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, hawada u soo mariyay.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ay wejigiisa cadho badani ka muuqatay, ayaa wuxuu saxaafadda madaxabanaan qaarkeed ugu hanjabay in dalka laga xorayn doono isagoo ugu soo hal qabsaday qolyo  uu sheegay in ay qori siteen oo dalka laaga xoreeyey.

Qaar ka mid ah warbaahinta madaxabanaan oo shalay kulan ku qabtay Hargeysa ayaa si weyn uga gilgishay hadalkii Maxamuud Xaashi Cabdi oo isugu jiray eedayn, digniin iyo hanjabaad culus, waxaanay sheegeen inaanay saxaafadda Somaliland gayin eedaha islamarkaana aanay u qalmin in hanjabaado noocaas ah hawada loo soo mariyo.

Dhawaaqa wasiir Maxamuud Xaashi, ayay dad badani u arkeen inuu hordhac u yahay qorsheyaal ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku waajahayso saxaafada dhaliisha, iyadoo wakhtigan la galayo marxalad adag oo ah diyaar garowga doorashooyinka.

Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa saxaafadda qaarkeed ku eedeeyay inay maagis iyo eeddo isugu daraan Madaxweynaha, marwadiisa iyo golaha wasiirada.

Hase yeeshee, waxa dad badan yaab ku noqotay halka uu wasiirku  ku arkay warbaahinta madaxbanaan oo eeddo u jeedisa marwada iyo weliba wakhtiga ay isku dhaceen saxaafadda madaxbanaan iyo marwada madaxweynaha, iyadoo aanay jirin warbaahin si toos ah iyo si gaar ahba u maagta marwada Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde.

Warbixin ay toddobaadkii hore soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku soo bandhigtay xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin warbaahinta madaxabanaan, iyagoo xukuumaddana u soo diray qoraal ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan xaaladda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka ee shacabka Somaliland oo uu distoorku damaanad qaaday.

Madaxweyne Siilaanyo; ayaa la eegayaa talaabada uu kaga jawaabo dhawaaqa wasiirka awooda badan ee Maxamuud Xaashi, kaas oo noqon doona laba nabar midkood. In Madaxweyne Siilaanyo ka aamuso hanjabaadda wasiirkiisa ugu dhawi u diray warbaahinta taas oo markaas noqon doonta inuu la mawqifyahay inuu cadeeyo inaanu wasiirkiisa la qabin hajabaadda iyo digniinta adage e uu u diray warbaahinta madaxbanaan qaarkeed.

Comments

comments