Siraha Qarsoon Ee Ku Duugan Kacbada Barakaysan – Imisa Dhagax Ayay Ka Kooban Tahay, Tiirarkeedu Waa Imisa Halkeese Laga Keenay, Waa Imisa Kiiloo Albaabkeeda Dahabka Ahi, Imisa Goor Ayaase Dayac-Tir Lagu Sameeyey? – Q:1aad

Inkasta oo culimada taariikhda werisaa ay siyaalo kala duwan uga hadlaan dhawr jeerna macluumaadyo kala duwan ka bixiyaan xaaladda dhabta ah iyo macluumaadka la xidhiidha dhismaha Kacbada Barakaysan ee Masaajidka Xaramka tan iyo markii Nabiyullaahi Ibraahiim Calaysi Salaam uu dhidibada u taagay, haddana waxa la isku waafaqsan yahay in badan oo ka mid ah macluumaadka taariikhiga ah ee ku duugan iyo xaaladda Kacbada Barakaysan. Qaab dhismeedkeeda, marxaladaha dib u dayactir ee lagu sameeyey taariikhda, walxaha ay ka kooban tahay iyo arrimo kale oo badan ayaa laga hadlaa oo aanay inta badan dadku xogo waafi ah ka hayn. Qormadan oo aan ka soo turjunnay shabakadda Al Ciraaqi Al Yoym waxa ay ka warramaysaa siraha ku duugan Kacbada Barakaysan ee Masaajidka Xaramka oo ah qiblada Muslimiinta adduunka ku nooli u hihaystaan marka ay Alle Subxaanahu Watacaalaa caabudayaan.

Marka laga yimaad dhismiheedii hore ee aan ka hadlayno dayactirrada iyo dhismayaasha lagu sameeyey taariikhdan casriga ah waxa la xaqiijiyey in tiraba dhawr jeer dib loo habeeyey dhismaheeda oo ay wax ka dhiseen injineerro Masaari ahi, sidoo kale ay naqshadeeyeen gaar ahaan albaabkeeda ka samaysan dahabka saafiga ah, sidoo kale tiirarka gudaheeda ku yaalla laga keenay waddanka Burma ee wakhtigan loo yaqaano Myanmar.

Xaqiiqooyin La Xidhiidha Kacbada Barakaysan:

– Kacbadu waxa ay ka kooban tahay wakhtigan oo dhismaheeda ku jira 1614 Dhagax. Waxa dib loo dhisay 10 jeer sida taariikhda lagu hayo iyada oo dhawr jeer waxyeelo ka soo gaadhay cimilada wakhtiyadaasi ay soo jirtay ama dagaaladii kala duwanaa ee taariikhda islaamka.

– Sheekh Ibnu Kathiir Raximahullaahu Tacaalaa waxa uu yidhi: “Waxa sugan oo aan taariikhda ku haynaa in Kacbada Barakaysan ugu horrayn uu dhismaheeda seeska u dhigay Nabuyullaahi Ibraahim Calaysi Salaam iyo wiilkiisii Nabi Ismaaciil. Kadib muddo dheer haddana ay dib u dayac tireen Qurayshtii reer Makka ka hor 5 sanadood intii aan la soo saarin Nabigeenii Mudnaa ee Maxamed NNKHA. Haddana uu dib uu u dayac tiray Cabdalla Al Zubeyr sannadkii 65-kii taariikhda Hijriga. Haddana kadib dib loo dayac tiray, haddana muddo dheer kadib uu dayac tir ku sameeyey Suldaan Muraad sanadkii 1040 ee taariikhda hijriga. Suldan Muraad waxa uu ka mid ahaa salaadiintii Cusmaaniyiinta ee aadka u weynayn jiray baytka Ilaahay ee xurmada leh. Dhagaxaanta uu ku dayac tiray suldaan Muraad wakhtigaasi waxa uu ka soo guray Gobolka Shabiikah loo yaqaano ee Mekka u dhaw. Sidoo kale waxa uu dayac tirkaasi Suldaan Muraad u adeegsaday injineerro Masaari ah oo wakhtigaasi aad ugu wanaagsanaa dhinaca dhismaha. Kuwaasi oo qaabka ay imika u samaysan tahay u diyaariyey oo u dhaw qaabkii ugu horreeyey ee Nabi Ibraahim u dhisay. Inkasta oo guud ahaan mudadaasi Illaa Nabi Ibraahim aan qaabkeeda wax badan laga badalin. Mudadaasi uu Suldaan Muraad dayac tirka ku sameeyey waxa ay injineerrada Masaarida ahi dhismaheeda wadeen muddo dhan lix bilood.

-Muddo dheer kadib cahdigii Boqor Khaalid Bin Cabdicasiis Aal Sacuud, waxa kacbada lagu kordhiyey in albaabkeeda laga dhigo mid cusub oo uu diyaariyey qaab dhismeedkiisa injineer masri ahaa oo lagu magacaabi jiray Muniir Al Jundi, waxaana gabi ahaan albaabka laga sameeyey dahab saafi ah oo wakhtigaasi culayskiisu dhammaa in ka badan 280 Kg oo waliba ah nooca loo yaqaano 99.99.

qarsoon

-Sidoo kale wakhtigii uu talada dalkaasi Boqortooyada Sucuudiga hayay Boqor Fahad Binu Cabdul Casiis Aala Sacuud waxa wax ka badal lagu sameeyey tiirarka gudaha kaga yaalla kacbada ee saddexda ah oo ka samaysan Alwaax, kuwaasi oo aad u duugoobay kuna yaallay kabcada in ka badan 1200 oo sano. Sidoo kale boqor Fahad waxa uu dib u habayn ku sameeyey saqafka kacbada iyo xaal xaal kale oo uu ka qabtay guud ahaan dhinacyada kacbada isaga oo waliba tiirarkii laga badalay ee gudaha kacbada ku yaallay u badalay loox laga soo qaaday geedka loo taqaano ‘Tik’ oo ah geed aad u adag oo looxiisu qaro weyn yahay muddo badana sidiisa ahaanaya kuwaasi oo laga soo jaray geedkaasi ‘Tik’ oo ka baxa dalka Burma (Myanmar). Looxa geedkaasi waxa uu adkaysi u leeyahay cimilada kala duwan sida kulaylka, qoyaanka iyo biyaha.

…..La Soco

Comments

comments

SHARE