Magaciisa Oo Ah Cusaama Darteed Ayaa Jarmalka Looga Diiday In Uu Bangi Xisaabeed Ka Furto!!!

167

Muwaadin haysta dhalashada wadanka Jarmalka ayaan waligii sawiran ama aanay maskaxdiisa ku soo dhicin in magaciisa darteed loogu diidi doono mid ka mid ah adeegyada aasaasiga ah ee dadku u baahdaan. Muwaadinkan oo u dhashay wadanka Masar balse haysta dhalashada dalkaasi Jarmalka ayaa magaciisa koowaad oo ah Cusaama ay keentay in dalka Jarmalka oo uu ku nool yahay looga diido in uu Bangi ka furto Akoon xisaabeed oo uu lacagtiisa ku kaydsado. Sida uu ku soo warramayo Wargeyska Südwest Presse oo ay idiin soo turjuntay shabakadda tusmoonline, wargeyskaasi oo ka soo baxa waddanka Jarmalka ee qisadani ka dhacday ayaa xusay in Cusaama oo ah Muwaadin Masri ah oo muddo kooban ku noolaa wadanka Jarmalku ay lama filaan ku noqotay go’aan ay laba Bangi ugu diideen in ay u furaan Nidaam xiseeb (Account) iyaga oo ku sababeeyey Magaciisa oo ah Cusaama laguna xasuusanayo Hogaamiyihii La Dilay ee shabakadda Al-qaacida Sheekh Cusaama Bin Laadin. Wargeyska Arrintan wax ka qoray waxa uu intaasi ku daray in Cusaama oo ah nin dhallinyaro ah oo ganacsade ahi sidaa ku waayay adeegii uu uga baahnaa mid ka mid ah Bangiyada ugu waaweyn wadanka Jarmalka. “Magaca Cusaama waxa lagala baxaa dalalka ugu badan Bariga dhexe iyo guud ahaan Carabta. Ujeedada ama macnaha Magaca Cusaama waa “Libaax”. Waligay ismaan odhan magacaaga ayaa laguugu diidi doonaa adeeg aad uga baahatay dalalka Yurub iyo adduunka oo dhan. Aadbaan uga xumahay arrintaasi” sidaa waxa yidhi Cusaama oo la hadlayay wargeyska Südwest Presse ee arrintan wax ka qoray isaga oo ku sugan Magaalada Munich. Afhayeenka Bangigga tallaabadan ugu diiday muwaadinkan Masriga ah ayaa saxaafadda u sheegay in ay ninkii shaqaalaha ahaa ee falkaasi ku kacay ay ku war geliyeen in ay ahayd in uu qofkaasi ula macaamilo si ka duwan sida uu ku go’aan qaatay oo uu la socodsiiyo madaxda ka sarraysa ka hor inta aanu u diidin ninkaasi in uu Akoon u furo. Wadamada Maraykanka iyo Yurub ayaa daba-gal badan ku haya Lacagaha lagu kaydsado ama la diro ee la xidhiidha kooxaha Argagixisada adduunka taasaana keenta in arrimahan oo kale dhacaan iyada oo si weyn loola socdo xisaabta dadka ajaanibka ah iyo hay’adaha.

 

Comments

comments

SHARE