War Deg Deg Ah: Shil Baabuur Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Berbera + Inta Dhimatay Iyo Dhaawacmatay,,,,

Wararka naga soo gaadhaya magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil soona xafiiska shabakada Wargane News ayaa sheegaya in shil baabuur uu ka dhacay duleedka magaalada berbera.

Gaaadhigan shilka galay ayaa ahaa gaadiidka yar yar ee loo yaqaano dukhaanka ama VITZ-ta kaasi oo ay saarnaayeen dad ahaa 5 qof.

Waxaana shilkan baabuur uu sababay dhimashada hal qof oo lagu magacaabo Cabdi Dheere oo ka tirsanaa sida la sheegay ciidamada booliska magaalada berbera waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 4 qof oo kale.

Waxaana dhaawaca iyo maydka dadkani loola cararay cusbitaalka magaalada berbera halkaasi oo dadkii ku dhaawacmay shilkaasi baabuur xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

3-2 2-11 1-217

Comments

comments

SHARE