War Deg Deg Ah: Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Goor-dhawayd U Baxay Goboladda Galbeedka Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkooda

260

Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilanyo” iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo kamida golahiisa xukuumadda ayaa goor dhawayd u baxay gobolada galbeedka Somaliland gaar ahaana gobolka Gabiley.

Madaxwaynaha Somaliland iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa socdaalkoodu daaran yahay inay ka qayb galaaan xaflad qalin jabin ah oo loo samaynayo ardayda dhamaystay cilmiga ay ka barteen jaamacadda Tima-cadde ee magaalada gabiley.

Waxaana sidoo kale la filayaa inuu madaxwayne Siilaanyo iyo waftigani usoo dhaafo dhankaa iyo magaalada borama ee xarunta gobolka awdal isla markaana kulamo lasoo qaato odayaasha,waxgaradka iyo cuqaasha gobolka awdal.

 

Comments

comments