Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland,ayaa go’aamo ka soo saartay socdaalada weriyeyaasha ajaanibka ahi ay ku imanayaan Somaliland.

Go’aamadaas oo la xidhiidha hawlaha shaqo ee weriyeyaasha ajaanibka ahi ay Somaliland u imanayaan iyo meelaha ay doonayaan in ay war u tagaan iyo guud ahaan la socodka hawlaha shaqo ee ay dalka u imanayaanba.

Qoraal rasmi ah oo uu shalay soo saaray Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani) oo lagu war-galiyay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’addaha dawladda,Hay’addaha aan dawliga ahayn (NGO), Shirkadaha Madaxa bannaan iyo Ururada deggan Somaliland ayaa lagu sheegay in weriyeyaasha ajaanibka ah ee dalka imanaya la mariyo dariiqii sharciga ahaa.

Wareegtada Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta oo dhammaystiran, waxay u dhignayd sidan:-“Waxa dhacda marar badan in dalka la soo geliyo suxufiyiin ajanebi ah, iyada oo aan la soo marin nidaamkii iyo habkii loo baahnaa ee sharciga ahaa. Waxana la geeyaa suxufiyiintaas meelo badan oo aan la sii ogeyn amma xasaasi ah oo aan la isla sii ogolaan. Inta badan suxufiyiintaasi waxa soo geliya hey’ado iyo ururro dalka amma debaddaba deggan, shakhsiyaad muwaadiniin ah, iyo xataa wasaaradaha qaarkood.

Arrimahani waxa ka iman kara xaalado khatar ku noqon kara nabadgelyada qaranka, nabadgelyada suxufiyiintaasi ajanebiga ah, iyo sugnaansha xogta loo gudbinayo suxufiyiintaas.

Sidaasi awgeed waxa laga codsanayaa dhammaan hey’adaha, ururrada iyoi wasaaradaha ay ku8 socoto warqaddani in inta aan la soo gelin dalka suxufiyiin ajanebi ah, nooc kastaba ha noqdaane, marka hore la soo mariyo nidaamka iyo habka sharciga ah ee Wasaaradda Warfaafinta (Counterpart) oo loo keeni codsi qoraal iyo faahfaahinta suxufiyiintaasi (personal and contact details), faahfaahinta/sawirrada baasaaboorka, shaqada/mihnadda (occupation), hey’adda ay u shaqeeyaan (organization), hey’adaha ay u imanayaan (sponsors).

Ujeedada ay u imanayaan (objectives of their visit), meelaha ay doonayaan inay tagaan (visiting places).
Ka dib marka la soo dhamaystiro qaabkani, waxa la isla eegi doonaa bixinta ruqsadi8hii sharciga ahaa ee loo baahnaa iyo fiisooyinkii dalka ay ku soo geli lahaayeen.
Suxufiyiinta ajanebiga ah ee aan la soo marin qaabkan sharciga iyo golaanshaha Wasaaradda Warfaafinta, kama qaban karaan dalka wax shaqo ah oo suxufinnimo, mana diri karaan wax agab ah, sida filimo, maqal iyo muuqaal, qoraallo, sawirro amma warbixinno kale midna”.

Comments

comments