Somaliland: Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Deegaano Ka Tirsan Lixdii Goobood Ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa+Xukuumadda Somaliland Oo Ciidamo Tiro Badan U Dirtay Deegaanada Iyo Maleeshiyaad La Sheegay Inay Buuraha Galeen

wararka naga soo gaadhay magaalada borama ee xarunta gobolka awdal soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in xiisad colaadeed laga dareemayo deegaano ka tirsan lixda goobood ee waqooyiga magaalada hargeysa isla markaana dhawaan xukuumaddu sheegtay in la bilaabayo diiwaangalintii codbixiyayaasha.
Waxaana deegaanada sansaanka colaadeed laga dareemayo kamida ah deegaanka Ceel-la Helay,iyada oo ay deegaankaasi xukuumadda Somaliland u dirtay ciidan tiro badan si ay u sugaan amaanka deegaanka,sidoo kalena waxa iyaguna deegaanka Ceel La Helay gaar ahaana buuralayda galay ciidamo maleeshi beeleed ah kuwaasi oo iska arursaday sida la sheegay deegaanka iyo deegaanada u dhaw isla markaana kasoo horjeeda in deegaanka ay ka bilaabmato diiwaangalintu.waxanay ciidamada maleeshiyaadka ah ee buuraha galbeedka awdal galay la magac baxeen jabhadda JBBC.
Ilaa hadda deegaanka wax rabashado ah kama dhicin laakin shacabka deegaanka degan ayaa ka cabsi qaba inuu deegaanka ka dhaco dagaal u dhaxeeya maleeshiyadka buuraha galay iyo ciidamada deegaankaa loo direy oo ku sugan.
wixii warar ah ee ka soo kordha kula soco wararka danbe

Comments

comments