Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo oo kulan La yeeshay Wefti ka socday Ingiriiska

257
Somaliland: President Silanyo Receives visiting Ambassador Harriet Mathews
Somaliland: President Silanyo Receives visiting Ambassador Harriet Mathews

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiilka dawladda Britain u qaabilsan Somaliland iyo Harriet Matews iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid dalka.

Kulankaasi ayaa la sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga ka socday Ingiriiska in ay kaga wada hadleen arrimo ku saabsan doorashooyinka, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dalka ka socota iyo arrimo kale.

Afhayeenka Madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa kulankaas ka dib warbaahinta uga warramay qoddobadii Madaxweynaha iyo wedtiga Ingiriisku ka wada hadleen, waxaanu yidhi
“Madaxweynaha waxaa shalay soo booqday safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Somaliland iyo Soomaaliya, Mrs. Harriet Matews, Guud ahaana waxaa kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo muhiim u ah qaranka, oo ay ka mid yihiin arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka. Guud ahaan, wada hadalkaasi waxa uu ku dhammaaday guul iyo is-af-garad.

thumbnail_DSC_0009

“Waxa kulankan la is-kula qaatay in laga wada shaqeeyo nabad-gelyadda, dimuqraadiayadda, iyo in si nabadgelyo ah ay u qabsoomaan doorashooyinka. Haddii ay tahay ta madaxweynaha, ama ha noqoto ta golaha Wakiiladda,” ayuu yidhi af-hayeenka madaxtooyadda.

Weftigan danjiraha Ingiriiska u fadhiya Somaliland iyo Soomaaliya Mrs. Harriet Matews ,waxa wehelinayay xoghayaha koowaad iyo saraakiil kale oo ka tisan safaaradaas. Halka madaxweynaha Somaliland ay kulankan ku wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka macdanta iyo tamarta, Wasiirka war-faafinta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Wasiiru-dawlaha madaxtooyadda iyo afhayeenka madaxtooyadda. Dhinacoodana waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo Yaasiin
Maxamuud Xiir (Faratoon).

Dhinaca kale waxaa la sheegay in weftigan ka socday Ingiriiska ay kulan la yeesheen gudoomiyaha golaha Guurtidda, Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaana la sheegay in weftigan Ingiriiska ahi ay kala hadleen sidii looga shaqayn lahaa sii wadidda hanaanka dimuqraadiyadda dalka.

Comments

comments

SHARE