Somaliland Iyo Masar Oo Is Waydaarsanaya Xafiisyo Dublamaasiyadeed

Dawladaha Somaliland iyo Masar, ayaa isku af-gartay soo celinta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxayn jiray, isla markaana wada jir u fallan-qeeyay ka wada shaqaynta waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

Weftigii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo socdaal shaqo ku tagay Masar, ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay dhigiisa dawladda Qaahira, Haddaba, waxa weftigaas xubin ka ahaa danjiraha Somaliland u fadhiya Yeman Cali Maxamed Axmed, oo xalay wargeyska DAWAN, uga waramay natiijadii booqashadii Wasiirka Khaarajiga iyo isfahamka dhex maray Somaliland iyo Masar isagoo ku soo laabtay caasimadda Hargeysa.

Safiirka ayaa sheegay in dalalka Somaliland iyo Masar, isla qaateen dhammaystirka mashaariic hore ugu heshiiyeen oo qabyo ahaa oo la xidhiidhay waxbarashada,caafimaadka iyo ganacsiga.

Waxa kaloo uu danjire Cali Axmed, intaas ku daray in weftiga Somaliland markii uu gaadhay dalka Masar loo qaabilay maqaamka ugu sarreeya ee Wefti heer Wasiir ah loo qaabilo isla markaana ay kulamo kala duwan la yeesheen Wasaaradaha Arrimaha dibadda,Caafimaadka Waxbarashada sare iyo Hoose, baarlamaanka iyo Jaamacadda Azhar.

“Horta markii ugu horraysay ee aanu dalka Masar gaadhnayba waxaa naloo qaabilay sida ugu sarraysa ee loo qaabilo Wefti heer Wasiir ah waxaana naloo soo dhaweeyay sidii ugu weyn ee wefti loo qaabilo. Intaanu joognay dhammaan meelaha aanu tagnayna waxaanu la kulmaynay madaxda ugu sarraysa ee markaa dalka Masar ku sugnayd,markaa socdaalkaasi wuxuu ahaa mid guul ah oo labada dal ay kaga wada hadleen arrimo badan oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal,”ayuu yidhi Cali Axmed.

Danjire Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in markii ugu horraysay ay kulamo ay la yeesheen Wasiirka tacliinta sare Prof. Dr. Ashref, waxaanu yidhi “Waxaanan ka wada hadalnay dhammaystirka heshiis hore oo labada dal u dhex maray oo aan la dhammaystirin sidii loo hir galin lahaa iyo sidii Wasaaradda Waxbarashada sare ee dalka Masar uga qeyb qaadan lahayd in ay gacan ka geysato Waxbarashada Somaliland. kulankaasina wuxuu ku soo dhammaaday is afgarad wanaagsan iyo guul Wasiirta Tacliinta Sare ee Masar-na wuxuu noo balan qaaday in ay balanqaadkii ay la galeen Wasaaradda Waxbarashada Somaliland in ay halkaa ka sii ambo qaadayaan.
Waxa kaloo aanu la kulanay Wasiir-ku xigeenka Tacliinta Prof. Dr. Ahmed Elgeushey waxaana kulankaasi ka soo baxay qoddobadan in Wasaaradda Waxbarashada hoose ee Masar in ay innaga caawiso dhammaan wixii dugsiyo farsamada gacanta ah iyo in la kordhiyo macalimiinta Somaliland joogta ee Masar iyo in xidhiidhka Waxbarashada labada dal uu joogto ahaado.”:
*
Waxaa uu intaa raaciyay Danjire Cali “Waxa kaloo wefdigayaga uu Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland hoggaaminayay aanu la kulanay wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar Marwo Dr. Maissa Shawky xilligaas oo uu dalka ka maqnaa Wasiirka Caafimaadku dhammaan waxyaabihii laga wada hadlayna guul ayay noogu soo dhammaadeen.
Waxaa kale oo aanu kulamo la yeelanay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka dalka Masar. waxaanan isla garanay xidhiidhka labada baarlamaan la joogteeyo oo kulamo labada dhinacba ay ku qabsoomaan oo baarlamaanka Somaliland iyo baarlamaanka Masar ay xidhiidhka labada gole noqdaan kuwo joogto ah. Waxaa kale oo aanu kulan muhiim ah la yeelanay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Azhar waxaanan ka dalbanay in Machadkii Masaarida ee Burco ay dhisaan oo la furo iyo in ay machad kale oo cusub ka hir-galiyaan Hargeysa iyo in ay gacan ka geystaan dhammaan arrimaha waxbarashada Heer Jaamacadeed,waxaas oo dhanna waxaanu madaxda dalka Masar ka wada hadlaynay annagoo ah wefti heer dawladeed ah oo Somaliland ah oo aan qarsoonayn ama aan cid kale lagu xidhayn.”

Intaa ka dib waxaanu kulan la qaadanay Jaaliyadda reer Somaliland ee Masar ku sugan oo arday ah intooda badani wixii ay cabasho noo sheegteenna waanu ka qornay ka dib waxaanu kulanki ugu dambeeyay la yeelanay Wasiirka khaarijiga dalka Masar Dr.Samix Shukri oo nagu qaabilay xafiiskiisa taasoo caddaynaysa in Masar ay diyaar u tahay in aynu wada yeelano xidhiidh iskaashi oo heer dawladeed ah, Wasiirka arrimaha dibada waxaanu ka wada hadalnay sidii looga midho dhalin lahaa xidhidhka labada dal ganacsi iyo bulsheedba waxaanu noo sheegay in ay diyaar u yihiin Somaliland iyo Masar ay joogteeyaan cilaaqaadkooda iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu ka sheegay kulankaas xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee Masar iyo Somaliland ay qarniyo badan wada lahaayeen iyo sida ay u yihiin laba dal iyo laba shacab oo walaalo ah. Waxaana la isla qaatay in kulamada la joogteeyo iyo in laba Xafiis la is waydaarsado oo Masarna xafiis ka furato Somaliland,Somaliland-na ay Masar Xafiis ku yeelato.”

Comments

comments

SHARE