Somaliland: “Faysal Inan Aqoonyahan Ah Oo Dalka Wax U Tari Lahaa Ayuu Guri Quraarad Ah Ka Kireeyey Gurigiibuu Maalin Walba Shiid La Hor Taagan Yahay” Xildhibaan Xoog.

271
Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

“Iminka Ayaanu U Hadlaynaaye Jamaal Waa Laga Gar-daran Yahay Ina Cali Waraabe Ayaana Gar-daran” Xildhibaan Xoog

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland kana mid ah xisbiga WADDANI ayaa mar wax laga waydiiyey khilaafka xisbiga UCID iyo sababta ay u dhex gali waayeen waxa uu sheegay in guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe uu yahay shakhsiga xisbiga burburinaya isla markaana waxa uu xusay inay iyaga laftoodu WADDANI ahaan baxsad ku jiraan oo aanay rabin inay faraha la galaan arrimaha Faysal maadaama uu marmarsiinyo u raadinayo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa Faysal ku tilmaamay nin gurigiisii quraaradda ahaa maalin walba dhagax la hor taagan oo doonaya inuu jajabiyo taasina ay adagtahay in laga badbaadiyo, waxaana ka mid ahaa hadalkii xildhibaanka:

“Wixii aanu gurman lahayna nin guddoomiye xisbi ka ah ayaa xisbi kale ku biiray oo xisbi kale soo shidaalinayaa maxaanu dhex galnaa anagoo an dhex galin ayaanu ka baxsan waynay, inan aqoon yahan oo shaqo wanaagsan haystay (Jamaal Cali Xuseen) oo dalka wax u tari lahaa ayuu ka kireeyey guri quraarad ah gurigiibu shiid la hor taagan yahay maalin walba hadaanu iminka ka hadalo ilayn ninkan Muuse Biixi ayaa dabada ka wada oo Somaliland odhami way ogtahaye wuxuu odhanayaa WADDANI-gii meel aan u maro aan waayay maanta ayay hawlahaygii soo galeen, sidaas ayaanu afka uga haysanay guddoomiyahayagu waa nin akhlaaq leh oo aan dadka maagin isaguna maag joogta ah ayuu la taagan yahay waa nin iska dhigay mulkiile waxay caruurta yar yari garanyso ayaanu garanayn waxaa la yidhi shirwayne qabsada shir wayniii ayuu rafcaan ka qaatay wuxuu leeyahay shirwayne aan anigu dadka u yeedho ha la ii qabto dee gar waa loo wada islaame Jamaal waa laga gar daran yahay iminkaanu u hadlaynaa ina Cali Waraabe ayaa gar dar

Comments

comments