Javier Mascherano: “Waa Dambi Iyo Wax Aad U Xun Inaadan Arkin Lionel Messi Oo Xiran Maaliyadda Argentina”

215

Javier Mascherano ayaa aaminsan iney noqon laheyd dambi hadii Lionel Messi uu ku adkeysan lahaa go’aankii uu kaga fariistay qaranka Argentina isagoo amaan huwiyay xidiga Barcelona.

Lionel Messi ayaa ku dhawaaqay go’aan uu kaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii qarankiisa ay laba sano oo xiriir ah lumiyeen Copa America bishii June ee sanadkaan.

Si kastaba hogaamiyaha Bulgarana ayaa maankisa badalay isla markaana dib ugu soo laabtay qaranka markii uu wadahadal la yeeshay macalinka cusub ee qaranka Edgardo Bauza.

Leo Messi oo 29-jir ah ayaa la tababartay qarankiisa iyadoo lasoo sheegayo inuu dhaawac dhanka muruqa ah qabo, waxeyna khamiista la ciyaari doonaan Uruguay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koofurta America.

“Waxey ahaan laheyd iyo wax aad u xun, hadii aadan arkin Messi oo xiran maaliyadda Argentina” Ayuu yiri Javier Mascherano.

Argentina ayaa ku jirta kaalinta sadexaad Group-ka isreeb-reebka wadamada Latin America iyadoo laba dhibcood ka hooseysa hogaamiyayaasha Uruguay iyo kooxda kaalinta labaad Ecuador.

Comments

comments

SHARE