Dalka Imaaraadka Tacadiyada Ragga Lagula Kacaa Waxa Ay Ka Badanyihiin Kuwa Loo Gaysto Haweenka

Dubai- Waxa aynu inta badan maqalaa gabood-fallo ka dhan ah haweenka iyo caruurta oo si weyn warbaahinta adduunku wax uga qorto. Hadii aad in abdan waligaaba warbaahinta addunka iyo hay’adaha xuquuqda aadamaha u dooda ka maqali jirtay tacadiyada iyo gabood-fallada ka dhanka ah haweenka, waligaa ma maqashay gabood-fallo ka dhan ah ragga oo ay haweenku ku kacaan?. Ma jiraan tacadiyo cid gaar ah ku kooban ama si gaar ah kaligeed u dulmani, waxa taasi rumaynaya warbixin laga soo saaray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo muujinaysa tacadiyada ka dhanka ah ragga oo si weyn uga kor maray kuwa lagula kaco haweenka dhigooda ah.

Iyada oo hore saxaafadda dalalka islaamku u baahiyeen tacadiyada raggu kala kulmaan dhigooda haweenka ahi in ay maalinba maalinta ka dambaysa isa soo tarayso. Warbixino hore oo arrimahan la xidhiidha ayaa tilmaamay in dalalka Islaamka ay ee ay ka dhacaan tacadiyada ragga ka dhanka ahi ugu badanyihiin dalalka Jordan iyo Masar. Waxase warbixintan ugu dambaysay lagu sheegay in Imaaradku noqday dalka ugu daran ee raggiisu la kulmnaan tacadiyo iyo gacan ka hadal jidh dil ah kuwii ugu khatarsanaa. Drs Cafraa Al-basiidi oo masuul ka ah xarunta ilaalinta haweenka iyo caruurta ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa warbaahinta u sheegtay in tacadiyada ka dhanka ah xuquuqal insaanka ee ragga lagula kacaa ay kor u dhaafeen kuwa lagula kaco haweenka, taasina ay noqotay arrin cajiib ah oo si weyn loola yaabay. “dhawaaqa gargaar dalabka ah ee ka imanaya qoysaska wadanka Imaaraadka ee xarumaha booliska ku soo dhacaya waxa ugu badan dhawaaqa ragga, kuwaasi oo ka cabanaya tacadiyo lagu sameeyey iyo jidh dil gacan ka hadal ah oo ay kala kulmaan haweenkooda. Arrintaasi waa arrin aad u fool xun oo dhaqanka islaamka iyo dadnimadaba ku xun. Looma dul qaadan karo arrimahan, inaga oo aan u kala saarayn rag iyo dumar toona ayaynu u baahanahay in aynu ilaalino sharafta qofka muslimka ah iyo naftiisa, arrintaasi oo ah ta ay shareecadeenu u soo dagtay” Ayay tidhi marwo Cafraa Al-basiidi. Sida uu ku soo warramayo wargayska Emirate Today waxa maalin walba isa soo taraya xad gudubyada lagula kaco ragga ee kaga yimaada haweenka waxaanay taasi keentay in tacadiyadii haweenka ee la diiwaan galiyay sannadkii ugu dambeeyey ee 2015 ay ka bateen tacadiyada ragga loo gaystaa iyada oo boolisku baadhaan.

Comments

comments

SHARE